Sh Maxmed Idirs oo ka tacsiyeeyey geerida Sheekh Xassan Xabeeb iyo Ismail Xaaji Cabdi
June 3, 2012 - Written by
Mahad oo dhan Ilaahay ayey u sugnaatay Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeenna korkiisa ha ahaato, Waxaa saaka i soo gaarey geerida laba nin oo dac wada Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeedba wax tar u ahaa, waa Sh. Xassan Xabeeb iyo Ismaaciil Xaaji Cabdi, oo midna Muqdisho ku geeriyoodey midna shil tuulada huddiso ka dhacay.
Innaa Lilaahi wa Inaa ileyhi Raajicuun, labadaba Ilaahay waxaan uga baryayaa ilaahay inuu u naxariisto janadiisana geliyo dembigoodana dhaafo, qabriga u waasiciyo, wixii wanaag ay sameeyeenna kan ugu fiican ugu abaal gudo, wixii dembiyana ka dhaqo. dhamaan eheladii ay ka tageenna ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.
Waa geeri naxdin leh,laakiin sunnada ilaahay ayey ku noqotay ineynu dhamaanteen wadadaas geerida hayno, qof walbaana maalin ayuu adduunyada ka tegi doonaa, ilaahay waxaan weydiisaneynaa inuu khaatumada noo hagaajiyo.
Sh Maxamed Idirs
Halgan.net

.gif)

