Sheekh Maxamuud Shibli oo ka hadlay khudbadii maanta in xil laga qabto dowlad gaalo ah

June 2, 2012 - Written by

Nairobi:-Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli, ayaa waxa uu ka hadlay sida Diinta Islaamka u qabto in laga mid noqon karo dowlad Gaalo ah.Sh. Shibli oo khudbaddiisa Jimcaha ee Maanta mowduucaas uga hadlay, ayaa sheegay in waqtiyada ay maraan dadka Muslimiinta ah ay kala duwan yihiin, isla markaasna marxaladaha dacfiga ee Muslimiintu maraan sida midda maanta oo kale ay axkaamtu is bedeleyso.

Sh. Shibli ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ee ku hoos nool dad ka quwad badan oo gaalo ah, ay u banaan tahay inay dowladaha ka mid noqdaan, sida baarlamaanada  iyo xukuumadaha, wuxuuna maanta soo qaatay hal daliil oo qur’aanka kariimka ah oo muujinaya mowduucaas.

Sh. Shibli oo khudbaddiisa daiilo kale ku keeni doona, ayaa maanta soo qaatay qisadii Nabi Yuusuf, markii uu codsanayey inuu wasiir maaliyadeed ka noqdo dowlad dadka xukumaya ay gaalo yihiin.

Shiikha ayaa sheegay, in Nabi Yuusuf uusan xil doon aheyn, balse waxa uu in jago loo diibo u codsaday ay aheyd inuu arkayey Maslaxad inay ugu jirto marka loo eego 3 arimood oo kala ah:

1- In ay u sahlataano inuu dadka gaalada ah  uu diinta u sheego, maadaama uu mas’uul yahay.

2- In maareeynta dhaqaalaha ee uu mas’uuliyaddeeda codsaday uu ku badbaadiyo ehelkiisa oo aabbihiis iyo walaalihiis oo Muslimiin ah ku jiraan, maadaama meelaha abaarta ku soo foolleheyd ay dhulka Shaam ka mid aheyd.

3-  In dadka guud ahaan naftooda la badbaadiyo.

Shiikh Maxamuud Sh. Maxamed oo sheegay inuu sii wadayo ka hadlidda mowduucaan, tusaalayaal kalena keeni doono sheegay, in  qofka xilka ka qabanaya dowlad gaalo ah looga baahan yahay:

1- In qofka xilka qabanaya uu yahay qof awood maamul iyo aqoonteedba leh.

2- In xilka uu qabanayo ay maslaxad ugu jirto dadka muslimiinta ah diintooda iyo aduunyadoodaba.

3- In xilka uu qabanayo uu uga hortago dhib ku socda dadka muslimiinta ah ee uu danahooda xilkaas u qabtay.

Shiikha ayaa sheegay in qofka muslimka ah wixii uu qaban karo laga rabo, balse aan laga dooneynin wixii uusan awood u laheyn, sida qur’aanka iyo sunadaba ku cad, wuxuuna soo qaatay hadaladii ay amuurtaasi culimadu ka yiraahdeen.

Sh. Maxamuud Shibli, ayaa horey waxa uu u balan qaaday ka hadlidda mowduucyo muhiim ah marka la fiiriyo xiliga lagu jiro, oo uu kan maanta ka mid yahay, iyadoona Shiikha muxaadarooyin aad loogu baahnaa uu dhawaan arrimo badan ku falanqeeyey.

Somali Real+Halgan.net
Nairobi

4 Comments so far

Leave a comment

  1. asc Kheir allah ha idenseyo allah ha ka abaal mariyo sheekhena ee walal inoo soo keliya khudbada ayado maqal ah

  2. jazakumullaahu kahyr ree halgan. Walaalayaal muxaadaradka oo maqal ah noo soo galiya mida kale muxaadaradii nusuusta waciidka noo soo dhamaystira iyo waliba mida kadigida balaysiinta

  3. maasha alah ilaahow qeyr badan sii
    shiikheena sh. shible

  4. MAASHA ALAH WAA KALMAD QAYIM AH LAAKIIN WAXAAN JECLAA LAHEYN IN AAN HELNO QUDBADA OO MAQAL AH

Leave a comment

*