Sh.Xasaan Xusen oo gaalaysiiyey Ictisaam kuna baaqay in Culumada Ictisaam lagu dilo meel walba (Dhageyso)

June 28, 2012 - Written by

Ilaah baa mahad leh amaan iyo nabadgelyo dhamaanteed Nabigeenii Maxamed ahaa korkiisa ha ahaato waxaana maqaalkii kan ka horeeyey uga soo hadlay mawaaqif iyo aqwaal iyo fatwo u gaar ah Sheekh Xasaan Xusen taas oo uu gaalnimo ku xukmiyey Culumada iyo jamaacada Ictisaam Bilkitaab wasuna oo ah jamaaco Islaami ah oo dowr weyn ku leh faafinta dacwada salafiga ah ee ka jirta Soomaaliya iyo geeska afrika.

Waxaad dhamaantiin wada dhageysateen Fatwooyinkii qariibka ahaa ee uu bixiyey Sheekh Xasaan Xusen ilaahay ha u danbi dhaafee isaga oo ku sheegay jamaacatu Ictisaam in ay tahay koox gaalow day (Dhaa,ifa Murtada, jamaaca Kufriya) taas oo aan uga danlahaa in aad arag taan Sheekh Xasaan sida uu gaalnimo ugu xukmiyey culumadii dalka Soomaaliyeed iyo khadka uu ku socdo haatan.

Sh.Xasaan Xuseen Jaamacat Ictisaam Bilkitaab wasuna waa Jamaaca Murtada oo gaaloowday(Dhageyso)

Markaad tixraac ku sameyso fatwada Sheekh Xasaan Xusen waxaad arkeysaa dhiiranaata uu qabo Sheekh Xasaan iyo sida uu ula dhacsan yahay gaalnimada iyo ridada uu sheegay in ay ku dhaceen Ururka Al-ictisaam bilkitaab wasuna xili aan dhageysanayey cajaladaha Sheekh Xasaan ayaa waxaa igu soo baxay qowl ama Fatwo isku fuuqsatay tii hore ee uu murtadiin ku sheegay Ururka al-ictisaam.

Sh.Xasaan Xuseen Adan ayaa bixiyey fatwadaan danbe ka dib markii uu soo afmeeray maalmo ka hor muxaadaraad uu ugu magacdaray Khaladaadka Manhajka Ictisaamka ee Al-Jihaad Wal Maslaxa waxaa uu si cad oo aan leexleexad lahayn ugu baaqay in lala dagaalamo oo la laayo Culumada Ictisaam isaga oo ku eedeeyey in ay baneeyeen Shirki akbar ah in maslaxo loo gali karo taas oo aan wili aniga dul istaagin balse waxaan ku arkay manhajka Culumada Ictisaam in ay leeyihiin doorashooyinka haday taxqiijinayaa maslaxo ama lagu yareyn karo fasaad dhib uma aragno iyaga oo daliishaday ama i shaaray fatwooyin ay bixiyeen culimo waaweyn oo uu ka mid yahay Sheekh Ibnu Baaz , Sh Maxamed Ibnu Cutheymiin Allaha u naxariistee iyo weliba xitaa fatwo ay leeyihiin Lajna daa,ima oo ay kaga hadleen cod bixinta iyo gelida baarlamaanaadka hadaba muxuu noqonayaa culumada ay ururka Al-ctisaam ay fatwooyinkooda ay cuskadeen xukunkoodu ma gaaalaa mise Muslin. ?

Halkaan ka eeg Maqaalkii 1aad ee aan ugu magacdaray Nin walba siddo la qabto wuu leeyahay Sheekh Shible Vs Sheekh Xasaan

Hoos ka eeg Manhajka Ictisaam Bilkitaabi Wasunaha qaybta ay uga hadleen doorashooyinka iyo codaynta iyo culimada ay cuskadeen. Sawirka riix si aad isagoo weyn aad u aragtid

Sh.Xasaan Xusen ayaa waxaa la weydiiyey mar uu soo gabgabeeyey muxaadarooyin musalsal ahaa oo uu ugu magac daray Khaladaadka Manhajka Ictisaam taas oo aan runtii markaan dhageystay ay ka buuxaan muxaadaraadka sheekha caraartan iyo iska ilsaa min wax aan iska ilsaamayn tusaale ahaan sheekha wuxuu iska ilsaamiyey in galida baaralaamaka ay tahay shirki akbar cidii baneysana ay umada u baneysay Shirki akbar ah diintana ay ka baxday !hadaba hadalka Sheekh Xasaan ma yahay mid Ijmaac ah ?doorasho laga qeyb galo oo dhan miyaa gaalnimo ah ?doorshada iyo intikhaabaadka ma mas,alo Qadci ah baa mise waa mas,alo cusub oo ah Naazilo ijtihaadna ka furan yahay waa su,aal jawaabeed laga dooonayo in uu ka jawaabo Sh Xassaan Xuseen.!

Hadaan dib idinku soo celiyo fatwada cusub ee Sheekh Xassan uu ku baaqay  in ay dagaal lagu qaado Culumada Ururka Al-Ictisaam wuxuu yiri Sheekh Xasaan mar la weydiiyey in jamaacada ay qaado bayco iyo in laga mid noqon karo cilmina laga qaadan karo Culumadeeda wuxuu yiri ” Jamaacadan hadda ka hor manhajkeeda waan ka soo hadlay oo waxaan si faahfaahsan uga soo hadlay Fataawa Inhizaamiya weliba si sidaan ka faahfaahsan ee hadda masaa,ilkii u cuslaa ee ugu darnaa baan tilmaamay atharka ku lahaa waaqica siyaasiga iyo midka umada baan ka hadlay Nimankaan beycadooda ee manhajka danbe ee mucadalka ah ku dhisan lama gali karo adigoo og hadaad gashana Takfiirkaagu waa maxalu baxthin ,adoo og wax ku qoran manhajkan hadaad gasho takfiirkaagu waa maxalu baxthin beycada lama gali karo lamana taageeri karo !Amaa iyagu manhajka aan ka soo hadalnay cidii og waxa ku qoran sidaana ugu qanacda agteyda waa ka Kaafir waana ka Murtad Yucaamalo Mucaamalat Murtadiin .Nimankaas aniga waxaan qabaa in lagula dagaalamo fil xili walxaram…. Sheekh Xasaan ayaa sii waday fatwada isaga oo sii cadeynaya sababaha uu sidaas u soo yiri waxay isku badaleen (Al-Ictisaam) Dhaa,ifo umada baabineysa ilxaadkii ay ku dhaceen qaar ka mid ah Ikhwaan muslimiin bay ku sii soc daan !waxaan laga rabaa Sheekh Xasaan in uu cadeeyo ilxaadka ay ku dhaceen ururka Ikhwaan Mislimiin iyo ilxaadka ay ku soo socdaan Ururka Al-Ictisaam Ex Al-Itixaad Islaami.

Hoos ka dhageyso Sheekh Xasaan Xusen oo ku baaqaya in Ururka Ictisaam lagula dagaalamo fil xili walxaram .

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/zt77cns6bt/culumada1.mp3]

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii heekh Xassaan kaga hadlay Khaladaadka Manhajka Ictisaamka ee Al-Jihaad Wal Maslaxa muxaadarada 4aad [laga bilaabo 1.42 ilaa 1,44,18sec].
[audio:https://halgan.net/Mp3/muxaadarad4aadxassan.mp3]

Hadaan dib u milicsado duruustii Sheekh Xasaan Xusen iyo fatwooyin si gaar ah loo weydiiyey kuwaas oo ku saabsan xukunka Culumada Ictisaam ee Nadwooyinka kala duwan ku qabtay Garoowe,Laascaanood, Boosaaso, Qardho,Carmo,Hargeysa,Ceerigaabo iyo meelo kale oo badan wax xukunkooda uu yahay Sheekh Xasaan ayaa ugu naseexeeyey dhalinyarada in aysan ku degdegin culumada Ictisaam isaga oo ka digay in la isku xadgudbo Sheekh Xasaan ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaadadu ku qaldan yihiin mowqifka ay ka qaateen dagaalada ka socda soomaaliya ay wadaan al-Shabaab taas oo uu xaq u leeyahay Sheekh Xasaan ijtihaadna uu uga furan yahay balse kuma gaaleysiin ee wuxuu qiray in ay yihiin culumadii dacwada salafka waday juhdi dheerna ku soo bixisay

Hoos Ka Dhageyso Sheekh Xasaan Xusen oo dardaaran u jeedinaya dhalinyarada taageersan al-Shabaab canaana u jeedinaya walaalahii uu gaaleysiiyey maanta.
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/rqv8vde1c4/sound_1.mp3].hadaba maxaa badalay qowlkii hore ee Sheekh xasaan oo uu lahaa culimada Ictisaam oo culimadii dalka iyo culimadeenii.

Dhageyso Mar labaan Sheekh Xasaan oo ka hadlaya culumada Caalamka oo dhan bal eega oo leh yaan lagu xadgudbin ijtihaadkoodana yaan lagu dhaleeceyn xili uu isagi ku xadgudbay culumadii Soomaaliyeed isaga oo isigu daray gaaleysiin iyo in lala dagaalamo [audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/lijwi8in41/culumada2.mp3].
Maqaalkii kan ka horeeyey waxaad ku soo marteen sida uu Sheekh Xasaan u naqdiyey Sheekh Xasan xabeeb allaha u naxariistee isaga oo ku heystay in uu bidco ku xukmiyey laba wadaad oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed uusan u fiirin shuruudii iyo mawaanicdii Ahlu sunati Waljamaaca waxaa kale oo aan soo marney sida Sheekh Xasaan ugu xukmiyey madhabka Khawaarijta cidii gaaleysiisa qof ay isku diidan yihiin ra,yi ! hadaba fatwadan Sheekh Xasaan ee hore iyo tan danbe maxay noqon? jawaabta waxaan uga tagayaa akhristayaasha.

Ujeedada ugu weyn aan ka leeyahay soo gudbinta aqwaasha kala duwan iyo kuwa u gaarka ah Sheekh Xasaan Xuseen waxay tahay in aad ila aragtaan hadalada kala duwan ee Sheekhu leeyahay runtii waxaa ka digay gaaleysiinta dadka Muslinka ah ee tukada Sh. Xasaan laftigiisa mar uu jeediyey muxaadaro uu ugu magac daray “Ka Digista Gaaleysiinta Dadka Muslinka ah ee Tukada oo ka kooban 17 xalqo oo uu si fiican Sheekhu u qaadaa dhigay bal aan wax yar idinka soo Gudbiyo Sheekha oo uga hadlaya Gaaleysiinta si ka duwan Mad-habkiisa cusub ee aad kor ku soo dhageysateen.

Hoos ka dhageyso Sheekh Xasaan Xuseen oo ka digaya Gaaleysiinta dadka Tukada talow ma tukadaan culumada iyo xubnaha Ururka Al_Ictisaam oo uu gaalnimada iyo dagaalka isigu daray Sheekh Xasaan ? culimada ictisaamse ma dad aan la aqoonin oo wixii la rabo laga shegi karaa sow ma aha aabayaashii dacwada towxiidka faafiyey oo  ilaa manta u taagan, sow ardadoodii ma aha kuwa maanta shanta qaradood towxiidka iyo sunnada ka faafinaya? Tolow markii xabsiyada lagu guri jiray sh. Xassaan ma dhallanaaa? cajiib.

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/09d632nl7u/17_kadigida_gaalaysiinta_sh_xassaan.mp3].

Hadaan wax yar dib u eegno mowqifka Ururka Ictisaam bilkitab wasuna ayaan waxaan alle fadligiis  ii suuro gashay in aan helo Sheekh Dr.Bashiir Axmed Salaad oo sharxaya doorashooyinka iyo mowqifka ay Ururkiisa ka qabo wuxuu si faahfaahsan u sharxay wax la yiraahdo Dimiquraadiya Dastuur iyo Doorashooyin in la galo !bal ila eega sida uu u sharxayo Sheekh Dr.Bashiir Axmed Salaad amiirka Jamaacatul Ictisaam bilkitaab wasuna ka dibna si qoto dheer u eega fatwada Sheekh Xasaan Xusen ee aan kor ku soo xusay.!

Hoos ka dhageyso Sh.Bashiir Axmed Salaad oo Sharxaya doorashooyinka iyo mowqifka ay Ururkiisa Al ictisaam

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/8r1byoyd2d/doorashada_shbashir.mp3]

Xili aan qorayey Maqaalkan ayaa waxaa soo yeeray war farxad leh kaas oo ka yimid dalka Masar{Ardul Kinaana} Gudiga doorashada dalka Masar ayaa ku ku dhawaaqay in uu ku guuleystay madaxtini mada dalka Masar Dr.Maxamed Mursi oo ka tirsan Ikhwaan Muslimiin ee dalka Masar .Waxaan dareemay shucuur iyo niyad wanaagsan marba haddii Shacabka Masar oo in mudo ah uu ku socotay mu,aamarooyin badan ay laad ku dhufteen Mashruucii Cilmaaniga ahaa ay dabad ka riixayeen wadamo dhowr ah oo iskugu jira dalalka islaamka ah iyo kuwa reer galbeedka.

Ururka Ikhwaan Muslimiin ayaa ah Urur Islaami ah dowr weyna ku leh Jihaadka iyo saxwada Islaamiga ee ka jirta caalamul Islaami waxaana lagu xasuusan karaa dowrkii uu ka qaatay dagaalkii dhexmaray ciidanka Masar iyo Yahuuda ,dagaalkii Afgaanistaan ee Ruusha lala galay kaas oo hogaaminayey Sheekh Cabadala Cazaam allaha u naxariistee oo ahaa Kawaadirtii Akhwaanul Muslimiin Shaki kuma jiro in ay jiraan Ijtihaadaad u gaar ah Ururka Ikhwaan Muslimiin kuwaas oo lagu naqdin karo  sidda ururada islaamiga  kaleba ay yihiin.

Waxaa markii la sheegay guusha Dr Maxamed Mursi igu soo dhacay fatwada Sheekh Xasaan Xusen uu gaalnimada ugu xukmiyey cid kasta oo gasha ama ka qeyb qaadata doorashooyinka ,hadba waa maxay xukunka Dr Maxamed Mursi iyo Malaayiinta Masaarida ee dooratay.

Sidoo kale cid kasta oo la socotay ama isha ku heysay hardanka siyaasadeed ee dalka Masar ayaa waxaa uu arkayey sida ururada Islaamiga ah ay mid u noqdeen iyaga oo aan iska qoqobin kooxaha ay ka kala tirsan yihiin ee ka jira dalka Masar waxaan dhamaantood isla qaateen in hogaanka ciidanka uusan ku soo laaban xukunta Masar waxayn arrinkaas u galeen dadaal dheer.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

48 Comments so far

Leave a comment

  1. wll salaan kadib waan idin salaamayaa dhamaan dadka ku hawlan eidinta diinta islaamka. marka labaad walaalayaal culimada inla gaalaysiiyo daayoo in wax laga sheegaa mabanaana waayo cid wax ka qaadanaysaa majirto hadii waxa laga sheeko, markaa walaala yaal culimada yaan wax laga sheegin. waayo culimada waa hilib sumaysan , markaa wll waxaan naftayda iyo idinkaba kula talinlahaa inaan carabkeena ilaalino oo aynu ogaano in waxa aynu leenahay la ina waydiinaayo iyo in aynu diinta islaamka si fiican ubarno , dadka culimada iyo dadkaba gaalaysiinaaya , gaar ahaan sh xassaan in illaahay soo hanuuniyo , hadii aan hanuun loo qorinna illaahay ummada kaqabto

  2. ascm aniga waxan oran lahaa maanta waxaa lagu jiraa xili fidmo oo malinba malinta ka dabeysa fidaysa marka wad u jedan xalka mesha uu marayo iskada cida kalee waxa isgalaysiinaya waxa ka mid ah culumadii calamka marka ugu horen walal sababaha ad uga badbaadi kartid waa adiga oo si qotodheer ubarta diinteena suuban

  3. Wadaad kan ilahay waxaan ka baryaya in uu ka qabto ummada isagana uu ilahay soo hadeeyo. Amiin!!!!

  4. walal marka hore aslamu calaykum salaam ka dib ma fiicna in gaalnimo lagula degdego dad islaam ah oo ashahaadanaya ee in waxay galeen horta la ogaysiiyaa ka dib markay dayn waaayaan la xukumaa
    halkay dadkii islaamka ahaa isa soo dhawayn lahaayeen ayay iyagii is gaalaysiinayaa allaa og kuwa saxda ku taagan mahadsanid

  5. allah ha udambi dafo sheik hassan

  6. waxaan ku talinayaa in aaan lagu dagdagin gaalaysiinta dadka muslimka ah …

  7. Asc wr wr dhaman walaalaha waan salamay, khasatan reer halgan.

    walaalaha waxaan leeyahay idinkuna hadag dagina, xukunka aad sh xasaan kurideen ee ah khawarij inuu yahay idinkaba cilmi uma lihidiin, culumadii idinka weeyneeyd ayaa joogto, walina sh xasan fathwo kameyna sosarin, waxaadba mooda idinka inaad sh noqoteen ood xukun khawarij rideeysaan.

    aniga fikirkaan kaqabo sh xasaan, waa sh caalim ah diintane fahansan dalaalkiisana kugaaray, gaalada naceeybka aan maanta uqabnana nagaarsiyay, asaga iyo culimadeena salafiyiinta ah ba, sh inuu khaladaada galay madiidani lkn arintaa waa laga siman yahay, oo bashara loo yahay marka shekha yaana sidaa loodurine aan unasexeyno.

    sh xasaan xuseen allaha xifdiyo, haduu khaldan yahayne allaha soo hanuuniyo, wixii intaa dhafsan culumada aan udeeyno walaalaayaal.

  8. asalamu calaykum
    inalilahi wa ina ilayhi raajicuun
    islaam aloow waad aragtaan xaqiiqda sh.xassan.
    dhalin yarooyna haku kadsoomina fatwooyinkiisa kubaaqaya in lgumaado lana gaaguun tiro cilimadeennii .alow noo badbaadi culimadeena adaa maqla ducada adoonkaaga dr:axmedna mid ka khayrbadan noogu badal.

  9. subxaanallah rabbiyoow hana fitnaynin oo diinta nagu sug oo qalbigaanaga isu dum oo walaalo naga dhig hadayba caluumadii nahagaysay ayagii isku keceen maxaa nala gudboon an
    aga??

  10. URURKA AMA CULIMADA AL ICTIZAAM WAA DADKII DIINTEENA MUSLINKAA NOOLEEYEY
    EE HADH IYO HABEENBA WAAN DIFAACAYNNAA
    ALLAHA DHOWRO CULIMADA DALKA SOMALIYED EE AL ICTISAAM
    ANAGUNA TAAGEERAAN LAGARABJOOGNAA

  11. shhikh xasan aniga waxaan ka yaabay hadaladiisa is wada beeninanaya ma oranaayo waa munaafiq laakinn waa yaab shiikhoow bal lugaha isu duwo oo meel halaguugu soo hagaago

  12. Anigu waxaan soo jeedin lahaa in xasaan xuseen lala dagaalamo oo inta uu fatwo soo sarey leh culumada hala laayo isaga laga bilaabo oo lagu dabaqo fatwadaas waayo dad badn ayaa calim ka aaminsan ama nin cilmi leh! hadi isagu aragtidiisu tahay in culumada kale fasaad wadaan oo dilkoodu fasaadka xirayo isaga aragtidayda waxa u yahay faasid fasaad wada ah in la dilo ayaana ku talin lahaa

    Raganimo bay maanta gaartay oo alamtatara so dhaaftay
    Dr ahmed haji dariiqi u ku dhintay ayaa rag badan sugeysa

    Eee dagaalba la galyaayaye hala diyaar garoobo

  13. dhamaan umada islaamka ah meelkasta oy joogto waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka asc ww sln kadib allaha hanuuniyo sh.xasaan xuseen iyo dhamaan inta ku raacsan takfiirinta culumada islaamka ah annagana allaha na hanuuniyo (aamiin)intaas ka dib naftayda iyo dhamaan inta fikradaha ka dhiibanaysa khilaafka culumada waxaan ugu dardaarmayaa inaan ilaalino(العفةاللسان)ama dhowrida carabka aan ka hadalno ra’yigeena iyo fikirkeena si xor ah lkn yey xamaasadu na qaadin oon culumada la dacaayadaynin allaha na waafajiyo(aamiin)wsc ww.

  14. Nimankii durey iyo dureey diinta laga gaarey
    Kutubtii ay duubeen ragii dunida ay deeqday
    Nimankii kadoorbiday aduun diinta fidinteeda
    Dar ilaahey nimankaa socdee dunida meeraaya
    Wiilyohow dulminayaa magaran dawga aad marine

    Hadba dalandalkaygii horaan dib uxasuustaaye
    Diinli ida meeshaanku koray waa damqanayaaye
    Tawxiidka anigoo kadedan oo digriga qaada
    Oo dirica dumarkii xirteen dulicu uumuuqdo
    Nimankii daboolee gabdhaha diinta ugu yeeray
    Wiilyohow duminayaa magaran dowga aad marine

    Culumada ladaandaansadee duubka laga xooro
    Doqonyohow kajoog duul horaa loogu dowgalaye
    Daqdaq dada badanbaa ibliis kuu durbaan tumaye
    Dagaalkii ilaahey waryaan lagugu daaduumin

    Dadka kale hajoogeen inaad daba istaagtaaye
    Culimada waxaa kugu diree aad u degiweydey
    Waa daqay wareen kugu dhacoon daawo looheline
    Jahli nimuu kudaahoo hadana duudka kaciroobey
    Degdeg kama xishoodiyo inuu dacar walaaqdaaye

    Dadku waydagaalaan hadana dib uheshiiyaane
    Dow iyo xad baajira ninyohow aan ladaakhiline
    Dariiqyada marbaa laga durkaa meesha aa degine
    Dabka shidan hadii aadan damin waa ku dagantaaye
    Culimada ladoondoonto waa lagu duloobaaye

    Dabuubtaada iyo hadalka waa la isla doontaaye
    Durba lama yiraahdoo hadhow diiqalyaad geline
    Malaa igo ladoortaajiroon daalin weligoode
    Buugii lagaa daabacaa duudka kaasurane

    Danbaskiyo habaaskaad fadhido duul horaa maraye
    Dowdow cidlaa lama ordoo waad ku dagantaaye
    Daabaca war beenihi dhaqsuu kula dekaamaaye
    Adoon darajo dheer gaarin baad daal lasoo dhicine

    Waxaa taa kadaran deynta aan lagugu deyneyne
    Dadkaad caydayoo idil dacway soodalbanayaane
    Camalkaad ku daashaa markaas loodaldalayaaye
    Deeqinamayoo waa wax aan lagugu deyneyne

    Adigoo fiqiirnimo darted dalagsanoo liita
    Daalaadhacaagana indhaha daamur lagu saaray
    Jahanama dugaalkeedi bay derini kuutaale
    Waa meel ninkii daano galay lagu danbaysiine

    Duli iyo cadaab heedhe waa laga ducaystaaye
    Laguna deyn mayo malagu waa soo degdegayaaye
    Duufaan halaagiyo intaan dooni lagu saarin
    Naxashkii daboolaa intaan lagugu duuduubin
    Dib unoqo ilaah toobad buu kaa dalbanayaaye

  15. SHEEKH UMAL WAXAA LAGA DOONAYAA IN UU NINKAN DADKA UGA DIGO MAXAA YEELAY ISAGAA LAGU BARTAY DADKANA BARAY.

    NINKII LAGU BARTAY HADDII UU LA YIMID WAX AAN LOO JOOGIN WAA IN SHEEKHU UGU YARAAN NINKAN WAASHAYNA UU U NASEEXEEYAA, UMMADDANA UU UGA DIGAA HADDII KALE MAR AAN MEEL LAGA SOO CELIYO AYSAN JOOGIN AYAA LAGA YAABAA IN LAGA SHALLAAYO WALCIYAADU BILLAAH.

  16. waan kaxumahay in wiil yar oo aan diinta sifiican ugaranayn uu culimada afka ku taago ayaabse malahan waa iska al shabaab iyo al qaacida

  17. انالله وانا اليه راجعون

    Sheekhii fatwadan ku dhintaa waa shahiid dhiigiisana waxaa mas’uul ka ah Sheikh dhiigiisa baneeyey…

    Ilaahey qur’aankiisa wuxuu ku yiri
    وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا

    Ilaahayoow ha inaga dhigin kuwii dhiig qof muslim ah baneeysta…Aamiin

  18. Asc xaqiiqdii aniga waa dhaleceynayaa qoraga qormadaan maxa yelay isaga ayaa bubbuninaya ninkaan, sababta waxa ay tahay ninkaan yu sheekh u yahay? maxuu ku soo kordhiyay saxwada? Yu wax soo baray? marka aan saas le yahay sanado ka hor waxa aan oga isaga oo meel uu le yahay sh. Umal cajalado ka duuba, waxaa igu xigtay maktabad ayuu furtay, su’aasha waxa ay tahay gorma ayuu sheekh noqday? Xaqiiqdii ninkaan waa Cali Ragaha xiligaan. Waliba waxa aan oran karaa Cali Rage ayaa ka roon maxa yelay xiligii Otanga isagaba dhalinyaro badan soo saray. Fadlan qof walba ha la dhigo booskiisa

  19. asc wrwb
    soomaalaay adduunku waalaga tagayaah cid joogtana maleh,sheeyq xasaan miyuusan ka baqeeynin in lagu daro allaah kabadbaaditeeh isaga iyo inta kale ee culimada seddaxda qolo ee jahanamo lagu qadaanqadaniyoh. walaalayaaloow cilmigu diinta iyo kan maadigaba haduusan alle kacabsi lasocon waalagu fidnoobaah.walaalayaaloow aftahannimo iyo afsoomaaluiga o laqurxiyoh xabadna uma faaideeyneeyso diinta islaamka, raali ahaada halgan ahlul qeeyr haddaan gafay. waxaan leeyahay qof kastooh inaga mid ah wax uun rajo hadeey jiraan oonkaleenahay shafeecada rasuuulka cswasalaam aan ogaanoh maqaamka culimada ee diintoda iyo aqlaaqdooda, garanayah alwalaa walbaraa. sheeyq xasaan waxaan leeyahay alle kamagangal in ajarkaaga lasiiyo culimada soomaaliyeed ee har iyo habeen utaagan ineey umada badbaadiyaan.sheeyq xasaanoow ogoow kitaabo la aqristoh, kutubta sunaha oo kor laga wada xafidoh quraanka oo kor laga shubo sheeyq laguma noqdoh walaahi oraahdaan cidna ugama gabanayoh, ismahadin,islaweeyni,keeygaa saxsan baa maanta dhalinyaro badan diin looga dhigay soomaalaay iskeey cafiyah haddaan wax xumaan ah qoray aan diinteena kaqaadanoh qof markaan aragnoh allaah kusoo xasuusano ina xasuusiyah diintaan macaankeeda yaanu diinteena kaqaadan nin aftahan ah oo oranayah macalinkeeyga anigaa ka aqoon badan wssc wrwb.

  20. Assalaamu calaykum,

    Shiikh Xasaan yuu ka hadlayaa! Shiikha ma bixisaa wadda?
    Xaggee Shiikh Xasaan ka soo baxay? Waxaa magaciisa iigu horaysay isagoo qolaacinaya dhiigii Sh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, haddana culimadii saxwada Islaamka oo la yiqiin oo dhan buu leeyahay waa gaalo ee hala laayo! Ilaahow Xaqqa na tus oo nagu sug, subxanallaah.

  21. asw xasan waa la yaqana sheekhna ma ahee waa khawaarij ee su,aashu waxay tahay dadka uu murtadiinta ku sheegay waliba raga nayrobi la jooga maxay uga hadli wayeen iyo raga kaleba , dhalinyareey walee xisbiyadu wanaag ma soo wadan mar hadii iyagiiba is gaalaysiinayaan oo dhiigooda is banaysanayaan maxaa laga sugayaa

  22. s/c sh c/caziiz khayr alaha siiyo waa muhiim in goor hore lasoo bandhigo ayayna ayahd khatrta qarsoon ee hadda la dilaacshay
    aniga waxaan arkaa oo fariin qaasa aan udirahayaa sh umal iyo sh shibille qof kastoo daaciya waa inaan xagiisa looga imaan islaamka iyo ducaada si dhaqso ah ninkaa munaadaro la caqidosida tii waagii suufiyada waliba tanbaa ka qatarsan maxaa yeelay waa takfuurul culumaa
    alana haidindhowro iyo dhamaan culimada iyo guud ahaan muslimiinta
    ale ha hanuunsho shiikha hadaan looqorina ila laahi nashtakiihi
    s/c

  23. dadka raba inay halgan afka qabtaan ujeedadana ka habaabiyaan
    iyagoo ku doodaya ninkan haku mashquulina cadow baa jira ka hadla.
    suaal ?

    cadowgga ka wayn nin culumada iyo umadii muslimiinta wada gaalaysiiyay
    afarta alqaaciddada ah mooyee, oo dhiigoodiina banaystay ka hadalkiisa jihaadka ka wayn xaguu ka jiraa.
    mufsid dhiiga culumada banaynaya , fatwadiisan iyo waxa lamidka ahna aynu ku waynay sheekh dr axmed xaaji cabdiraxmaan iyo in badan oo kalaba , ka digidiisa iyo ku mashquulidda arinkaas anigu waxaan u arkaa inay ka mid tahay acmaasha ugu wayn ee allaah loogu dhawaado. allaah subxaanahu watacaalaa waakuu yidhi

    مِنْ أَجْلِ ذَلِكَ كَتَبْنَا عَلَى بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنَّهُ مَن قَتَلَ نَفْساً بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعاً وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعاً وَلَقَدْ جَاءتْهُمْ رُسُلُنَا بِالبَيِّنَاتِ ثُمَّ إِنَّ كَثِيراً مِّنْهُم بَعْدَ ذَلِكَ فِي الأَرْضِ لَمُسْرِفُونَ
    المائدة : 32

    ninkan ka digidiisa waxaa ku jira bad baadada culumada iyo ummadda iyo waliba inta uu galaafanayo ee uu harowsiga halka yar uu bowsaday kaga habaabinayo hilinka hagaagsan, ee fatwadan hallalaayo da ah ku laynaysa culumada , badbaaday u tahay waayo naar bay ka badbaadayaan,
    aduunkana intay is qarxin lahaayeen badbaaday u tahay.

    قال تعالى
    (وَلاَ تَقْتُلُواْ أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيماً )
    (النساء : 29 )

  24. Waxaa wadaadku banaanka soo dhigay oo uu noo bayaaniyay inay dileen Dr.Sh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee. Wadaadka caradaan la fogaatay meelay uga timidba hada khalad weyn ayuu ku dhacay, waxaan oran lahaa Culumadana arinkaan yaysan ka aamusine wax haka yiraahdaan wadaadkaan cid walba gaalaysiiyay oo salafinimadana sheeganaya. Wallaahi xaqa iyo ehelkiisa Allaah wuu cadaynayaa. Jazaakumullaah akhii Abdiaziz iyo Walaalaha halgan.net. Nas alullaaha salaamah.
    Wallee xarakada Culumadu ku bahowday khayr ayaan u rajaynaynaa, waana kuwaas meel kasta machadka culuumta sharcigaa ka furay oo ummada u adeegaya wayan guulaysan doonaan inshaa Allaah.

  25. Waxan qaba wa waajib in Sh. Xasaan umada looga digo, waa manhajkii Khawarijta waxa uu sheekhu ku kacay wuuna ka duwan yahay kii lagu bartay! Wallaka cabdi Casisn. Al- cilmu qalal Allahu qaala rasuuluhuu…….. Qaala Al-saxabatu hum alulu cirfaani…… Mal-culmu nasbuk lil khilaafi Safaahatan…. Bayna Al-rasuuuul Wa bayna ra,yi XASAAAAAANIIII!!?

  26. aswrb sh kha in aad kumash quushaan dan baa ugu jirto ood mas alooyinkiisii halhal udul istaagtaan hana kadaalina wada xaqqa wuu cadyahay wuuna cadaan ehelkiinasa waa cadaan in shallah miyayna idin fiicneen in aad ku mash quushaan gaalo iyo ehelkeed ood usheegtaan umada waqiciga wax maslaxa ah ood umada uhaysaan maleh runtii waayo cadawgii islaamkana waad qarinaysaan sh qaldameyna waad buunbuunineesan idinkoo tacasub inkatahy kaliya war hadafka qofka islaamka ah intaas waakaweenyahy umad yahy ib isu eega ooisisaxa khayaaligana nagadaaya maanta wax uuwaaqiciguyahy iyo meelaad kurafneysaan aaaad beey ukala fogta waadna hurudaan runtii caqli saliimah sidan lagma dhadhicinkaro wabilaahi towfiiq

  27. asc wrx brb walaalka qoray jzk kheyran si wanaagsan oo aqlaaq leh ayaa u qortay, sheakh xassan mowqifka ku aadan ummada iyo siyaasadeeda wuu ku qaldamay culimada ictisaamna wuu ku xadgudbay. aniga waxaan qabaa culumada ee isku magaalada jogaan. inay u tagaan una nasteexeyaan kala hadlaan. kadib haday u arkaan. xaalkiisa in laga diggo. inay ummada oga digaan qaasatan dalabatul cilmiga siday aynan ugu ta athurin dalabada. dadka hadalada adag u qoraya sheakha . allah ha ka cabsadaan diinta waa aqlaaq iyo wanaag. adiga hadaa ku heesatid sheakha qalad. taada kawaran? ikhwaani sheakha haloo duceeeyo cizigiisa hala dhooro. aniga garanmaayo wax wanaaga dhaamo. bahda halgan. net hadaa u aragtiin qoraalkeyga inuu munaasib eheen ha gudbina

  28. WALAAL C/CASIIS IYO HALGANBA WAA MAHADSAN YIHIIN AAD AYAANNA UGU DIIRSANNAY XAQIIQADA AAD UMMADDA U CADDEYSEEN.

    XASSAAN WAA MUFSID LABA SHAQLAN EE SHARTIISA IYO FITNADIISA UMMADDA HA KA QABTO.

    AF GOBAADSIGA QAARKII WAA DAMBIYE WALAALAYAAL CAAMMADA HA LUG GOYNINA LAFTIINNA MAXAA YEELAY NIN QAATIL MUJRIM AH BAAD LEEDIHIIN WAA SHEEKH.

    NINKA LEH INTA SHEEKHYADA AH MEEL KASTA HA LAGU DILO, OO QAARKOODNA DURBABA FATAAWAADKIISAN JAHANNAMIGA AH DARTOOD LOO DILAY SIDA DR. AXMED OO KALE MA SHEEKH BUU ISKA SII AHAANAYAA? تِلْكَ إِذاً قِسْمَةٌ ضِيزَى

    HADDII DAALIMKII IYO MADLUUMKII ISKU LAQAB LA SIIYO OO LA YIRAAHDO LABADUBA WAA MUSLIXIIN MIISAANKU WAA QALDAMAYAA, CAAMMADUNA WAA WAREEREYSAA EE SHEEKHNIMADA DADKEEDII U DAAYA MUFSIDKAN DADKA DHIIGGOODA BANNEYNAYANA MAGAC KALE U YEELA MAGACYADU WAA BADAN YIHIINE.

    أم نجعل الذين آمنوا وعملوا الصالحات كالمفسدين في الأرض أم نجعل المتقين كالفجار

    أفنجعل المسلمين كالمجرمين ما لكم كيف تحكمون

    SHEEKH MA DILO SHEEKH KALE HORAANA LOO YIRI:
    SHEYDAAN MALCUUNAA U COL AH SHIIKH MUXAAFID AHE

    WAR IYO DHAMMAANTII MAGACYADA U KALA SOOCA CULIMADA IYO ACDAA’DA CILMIGA IYO CULIMADA, HADDII KALE CAAMMA WAREERINTA WAX BAAD KU YEELANEYSAAN.

    MAHADSANIDIIN IDINKOO KALANA ILAAHAY UMMADDA HA KU BADIYO.

  29. assalamu calaykum

    waad mahadsan tihiin halgan
    lakiin halbaan idin dhaliilayaa oo ah ninkan aad sheekh ku magacowdeen, ninkani sheekh ma aha e magaca culumada u dhowra, miyaydaan maqlin shaacirkii carbeed xikmadu yidhi .

    ألم تر أن السيـف ينقـص قـدره === إذا قيل إن السيف أمضى من العصا

  30. Aloow semenka nasamatabixi, nin walba oo hawadiisa diin ka dhigtey waxaa lagu magacaabey shiikh waana dhibka na heysta kaligiisna ma aha dadbadan baana fikirkaas la qaba.

  31. walee Xasaan iyo ragiisii nin baa ku soo baxay C/casiis alaha ku sharfo Xasaan waxaan leeyahay ilaahay u toobad keen manhajkaan waa kii khawaarijta waalee Dhalinyarow cida aad diin ka qaadaneysaan ka fiirsada

  32. asc walalah halgan.net aad iyo aad baad u mahad santihii sida aad u cadeysen arimaahaa sidaa oo gale ah cdsi waxaan idinka codsanaya Walal mb3 inoo ga dhiga allah Kheir ha idin siiyo

  33. Salaamu calaykuuuuuuuuuuuuuum

    waxaan aad ula yaabay sida uu C/casiis u daba galay Xasaan Xusen oo laga waayey culumada iska daa wili la isma gaarin ;walee wadaadkii meel xun buu ku socdaa bal fatwo ha ka soo saaro xildhibaanada iyo wasiirada muslinka ah ee ku jira dowlada Kenya

  34. salaamcalaykum

    Salaanta Islaamka ka dib waxaa u mahad celinayaa walaalka qoraalka soo qoray waxaana leeyahay ilaahay ha ku xifdiyo xasaan waa loo baahnaa in banaanka uu u soo baxo oo uu cadaado madhabkisa ,qolyaha u heysta in xasaan salafi qux ah yahay ha arkaan ugu danbeyn waxaan ugu baaqayaa culumada Kenya in arinkan aysan ka aamusin fatwo jamaaci ahna ka soo saaraan Xasaan Xusen aniga iima muuqato wuxuu uga duwan yahay takfiirkii Soomaalia ka jiri jiray bal wuxuu kaga duwan yahay

    1 wuxuu la jahray iyo koox culumo ah ay gaalo iyo murtadiin yihiin
    2 wuxuu ku baaqay in lala dagaalo oo waxwalba laga gooyo
    3 dhacabka iyo maamulada dalka ka jira iyo culumada ku hoos nool oo uu gaalnimo ku xukmiyey

    Takfiirkii ka jiray Soomaaliya waligood xitaa lama jahrin shacabka Soomaaliya baa gaalo ah marka ninkaan waa ku daayey

  35. subxaanalaah war wadaadkii ma halkaas bay la martay ilaahay hana dhawro beryahan gaalaysiintu waa ku soo badanasaa somalida dhexdeeda ilaahay diinta hanagu sugo isagana dambigiisa ha dhaafo xaqana ha tuso

  36. Asc
    salan ka dib marka hore alle aya mahad oo dhan iska leh. Horta ma loo baahna dadka muslimiinta ah in gaal nimo lagu la degdego. Xaqiidana alle ayaa og

  37. scw
    Allaha u danbi dhaafo Sh Xassaan waa arrin aad u fool xun in dhalaanka soo koraya lagu diro culimada si ay u dileen , Alle ha ka cabsado Sh Xassan iyo inta la fikri ah wixii la isku hayo diinta ha loola noqdo hana laga doodo. walaalja qoraalka qoray waa mahadsan yahay
    C/casiis waxaan ku waaninayaa in uusan xadgudub samayn
    ws

  38. XASSAAN NINKII SALAFI MOODAYAYOOW WAAKAA KHAWAARIJTA MADHABKOODA QAATAY EE MAANTA FATWOONAYA IN CULIMADA LA LAAYO.

    WAR NINKAN UMMADDA HA LAGA QABTO ALLE SOO QABAYGA AH

  39. a/c walaahu mustacaan wayaab waxaan iswaydiiyay haday galowday jamacatu al-ictisaam yaa muslin ah ? ninkaani arrinkiisu waa labo xaalo waa mid uun.

    1- in uu ushaqayn hayo ahdaaf qarsoon oo kaladagaashan islaamka iyo ehelkiisa.
    2-ama uu waalan yahay oo uu u baahan yahay wax daweeya.

    ilaahow haka qabto sharkaaga muslimiintaa aamiin

  40. walaalaha Salaamu Calaykum

    Waxaa hambalyo iyo duco u soo jeedinayaa walaalka maqaalka qoray ee C/casiis waxaana leeyahay walaal halkaas ka wad iskana ilaali in aad qof muslin ah ku xadgudubtid .Hadaan u soo noqdo baaqa danbe ee Xasaan waxaa weydiinayaa waayo dadka uu leeyahay ictisaam kula dagaalama filxili walxaram ma gaalada dalka ku soo duushay baa mise Amniyaadka Al-Shabaab qofkasta waa garan karaa! Waxaa alle mahadiis ah in Sh Xasaan hadaldiisa aysan dhag u dhigin madaxda Al-Shabaab oo meelaha ay joogaan waxaa ka buuxa culumadii Ictisaam marka ha iska qeyliyo Xasaaan isaga bay qeylaa dhibeysaa,wuuna cadeystay in uu Takfiir yahay alle baa mahad leh.

  41. Sw

    laaxowla walaaquwata ilaa biaah ilaahow diinta ha naga fitneyn Xasaan ma aha Sheekh haduu Sheekh diinta yaqaaan yahay ma gaaleysiiyeen walaalihii iyo culumadii salafka waxaaan aad ula yaabay sida ay ugu fududahay gaaleysiinta ;Hadii aad dhageysto muxaado ama darsi uu leehayay waxaa ka buuxa Murtad gaal mushrik dhago waaweyn ,wadaad tacbaan ah wadaad soo rucleynahaya wadaada ma hadli karaan waxaa lagu saladay Atam iyo qabiilo uu gaaleysiiso ilaahay umada ha kaa qabto takfiir waxba ka qaadi mayo culumada ee ha is daalin Jadiido baa wax qaadi weyday iyo dowladii Siyaad bare adiga un ha daalin

    wasalamu calaykum

  42. Salaamu calaykum umada Islaamkow

    walaahi alamtaro la soo dhaaf ha la dilo culumadii hadii ay mareyso Xasaan Xusen waa mufsid ahlu bidac ah oo umada gaaleysiinaya dhiigoodana baneynaya isagiina wuxuu jooga dhul gaalo kuwii ugu xumaa ee dalka ku soo duulay ;waxaana uu ku joogaa Sharci uusan lahay qabiil uusan ahayn iyo aabe aan dhalin marka yaa gaal ah hadii madhabkiisa la eego isgaa ka baxaya diinta islaamka inta aysan culumada soomaali ka bixin

    Xasaanow alle ka baq oo xaqa u soo laabo adoo suufi ah xilna ka haya Godey baa ogaa marka Jabhada Islaamka ee Somali galbeed ay dagaalameysay aakhrio war baa kaa horeeya raga badan ee la dilayna adaa dilay

  43. Salaamu laahi calaykum

    Walaahi intaas in uu dhaamo baan moodayey Xasaan Xusen Aden balse waxaan ka quustay markuu baneeyey ama gaaleysiiyey culamadii Ictisaam hadana dil ku baqay muxuu ka wadaa ..Ha lagu dagaalamo meel walba ..wixii laga goyn karo baa laga go,ay walaalayaal shaki iigama jiro in dilka Dr Ahmed xaaji C/raxmaan uu ka danbeeyo Sh Xasaan isaga fatwooday ee dhiiga Dr Ahmed ha loo raacdo Xasaan Xusen

  44. Codsi walal waxan rabilahayn inad mp3 kadigtan codadka waynagu yaradagtahay sidan

  45. Salaamu Calaykum

    Aad waxaan ugu mahad celinayaa walaalka C/casiis ee qoray maqaalka sida edebta iyo amaanada leh uu u soo gudbiyey ;Intaas ka dib xasaan waxaa uu isigu biyo shubtay Takfiir ee umada Islaamka ha iska ilaashaan dhibtaana waxay xasaan ka raacday isaga oo noqday saxafi oo aan cilmiga ka qaadan culumada ..ilaahow ha na fitneyn

  46. Assalaama caleykum wrt wb

    Allaah subxaanahu watacaalaa baa mahad idaylkeed u sugnaatay, naxariis iyo nabadgalyona ha ahaato rasuulkeenii Muxammed Ibnu Cabdullaah scw iyo intii raacday jidkiisii saxa ahaa ilaa inta laga gaadho maalinta dambe ee Allaah swt loo laaban doono.

    Run ahaantii waxaan leeyahay walaalkey Cabdicasiis Maxammed Jazaakallaahu khayral jazaa, khayr iyo nicmo fara badan Allaah haku siiyo. Waxaad iftiimisay arimo dad badan maanta mugdi uga jiro oo ay ka mid tahay.
    1 – Mawqifyadda is badalaya ee walaalkeen Sh Xassaan Xuseen Adam Abu Salmaan uu ku hadlayo.
    2 – Sida cad ee uu u banaystay gaalaysiinta iyo dhiiga umadda muslimka ah oo ay ugu horeyso dhiiga culimadda islaamka ah.

    Waxaan walaalkey ka codsan lahaa umadda in badan oo ka mida arintaan way dhayalsadaan oo waxay isaga arkaan Sheekh canbaaraynaya Sheekh kale, waxaase la hilmaansan yahay baan filayaa in culimadda maanta ictisaam ku jirta ama lagu tuhmayo inay ururkaas yihiin, hadii la dhaafiyo wajiga aduunka oo aakhrio loo diro, wadankeena soomaaliya maxaa u soo hadhay, ma Sh Xasaan Xuseen iyo inta dadka qalanaya ee xamar jooga baa ku hadhaya. Walaalkey Cabdicasiis Maxammed wuxuu maqaal hore ku taxay qaar ka mida culimadda Xarakadda Ictisaam Bil Kitaab Wal Sunnah, mar aan maqaalkaas akhrinayay ayaa waxaan is tusay sawir ah in culimadaas la’aantood ay maanta adag tahay inuu wadankeenu jiro.
    Dadka iyo dalka culimadaa badbaadisa, jahliguna waa maado aad u xun oo ka mid ah arimihii diinta islaamku u soo dagay. Aayaatkii ugu horeeyey ee Allaah SWT u soo dhiibay malaga waxyiga ee Jibriil waxay ahayeen Akhri, dad badan oo inaga mid ahna maanta wax ma akhriyaan ee way dhaga dhageeyaan.
    Ugu dambayntii waxaan leeyahay qalinka yaanu qoyin ee qoraaladda dadka looga digayo manhajka takriirinta iyo banaysiga dhiiga muslimiinta ha socdaan, yaanana laga daalin.

    Ugu dambayntii sidii uu rasuulkeena suuban csw uu yidhi ” MAN LAA YASHKURU NAASA LAA YASHKURU LAAH ” ayaan waxaan u mahad celinayaa walaalkey Cabdicasiis Maxammed, Allaah swt ha badiyo amthaashaada. Sidoo kale walaalahayga Halgan.net oo run ahaantii ah ( WEB PORTAL )u taagan kala saaridda xaqa iyo baadilka, waxaan idin leeyahay Allaah swt ajar iyo xasanaad badan ha idinka siiyo shaqadiina, tooska iyo shumacana la daba taagnaada meel walba oo iftiin lagu sheego.
    Ugu dambayntii akhristayaasha waxaan leeyahay Nasriga Allaah waa dhowyahay ee ducadda ha lagu taageero inta xaqa sheegaysa ama gacmaha kula jirta.
    Wabilaahi Tawfiiq

    Maxammed Ibraahim Abu Axmed

Leave a comment

*