Wafdi uu hogaaminayo Safiirka South Afrika u qaabilsan Somalia oo shalay Garoowe tegay
June 12, 2012 - Written byMadaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa shalay waxaa uu Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dalka Koonfur Afrika oo uu hogaaminayo Safiir kooda u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Ndumiso Nshinga . Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa waxaa kulanka kala qayb qaatay wasiiro ka tirsan Golaha xukuumada ee Puntlland gaar ahaan wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire,wasiiru dowlaha Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi iyo weliba agaasi maha guud ee madaxtooyada Puntland Dr.Jaamac Warsame.
Safiirka dalka South Afrika Ndumiso Nshinga oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay socdaalka uu ku soo gaaray Puntlland isagoo Puntlland ku amaanay nabadgelyada ka jirta waxaan uu balan qaaday in dowllada Koofur Afrika ay wax badan oo dhinac horumainta iyo dib u hishiisiinta ay qayb weyn ka qaadan doonto ayna taageersan yihiin dadaalka cusub ee Road mapka iyo in dowllada Soomaaliya ka baxdo xiliga ku meel gaarnimada.
Safiirka dalka South Afrika Ndumiso Nshinga ayaa sidoo kale sheegay in dowlladiisu ay mashaariic horumarinadeed ay ka fulin doonaa Puntlland gaar ahaan dhinacyada kaluumaysiga ,beeraha iyo tababaro loo samaynayo kaluumaysatada.
M_M_Deeq
Halgan.net