Wafdi uu hogaaminayo Safiirka South Afrika u qaabilsan Somalia oo shalay Garoowe tegay

June 12, 2012 - Written by

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa shalay waxaa uu Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe ku qaabilay  Wafdi ka socda Dalka Koonfur Afrika oo uu hogaaminayo Safiir kooda u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Ndumiso Nshinga . Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa waxaa kulanka kala qayb qaatay wasiiro ka tirsan Golaha xukuumada ee Puntlland gaar ahaan wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire,wasiiru dowlaha Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga Dr.Cabdiqaadir Cabdi Xaashi iyo weliba agaasi maha guud ee madaxtooyada Puntland Dr.Jaamac Warsame.

Safiirka dalka South Afrika Ndumiso Nshinga  oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay socdaalka uu ku soo gaaray Puntlland isagoo Puntlland ku amaanay nabadgelyada  ka jirta  waxaan uu balan qaaday in dowllada Koofur Afrika ay wax badan oo dhinac horumainta iyo dib u hishiisiinta  ay qayb weyn ka qaadan doonto ayna  taageersan yihiin dadaalka cusub ee Road mapka iyo in dowllada Soomaaliya ka baxdo xiliga ku meel gaarnimada.

Safiirka dalka South Afrika Ndumiso Nshinga  ayaa sidoo kale sheegay in dowlladiisu ay mashaariic horumarinadeed ay ka fulin doonaa Puntlland gaar ahaan dhinacyada kaluumaysiga ,beeraha  iyo tababaro loo samaynayo kaluumaysatada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online