Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Netherland oo soo gaaray Garoowe(Masawiro)
June 6, 2012 - Written byGaroowe:-Wafdi uu horkacayo Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Netherland Mr Ben Knapen ayaa maanta safar aan horay loo shaacin ku soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntlland , Wafdiga wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyey ku simaha madaxweynaha Puntlland ahna Madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen Cabdisamad Cali Shire, wasiiro iyo saraakiil ka tiran Madaxtooyada Puntlland.
Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Netherland Mr Ben Knapen iyo wafdiga la socday ayaa waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada ee Garoowe waxaan uu kulamo kale duwan la qaadan doonaa Madaxda Puntlland isagoo saxaafada u sheegay in dowllada Holland ay diyaar u tahay in ay xiriir wanaagsan ay la yeelato dowllada Gobolleedyada ka jira Soomaaliya iyo DFKM si dalka Soomaaliya uu uga baxo dowllada la’aanta.
Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Netherland Mr Ben Knapen ayaa sidoo kale saxaafad u sheegay in dowlladiisu ay ku dadaalayso nabadaynta dalka Soomaaliya iyo in laga baxo xiliga kala guurka ee DFKM isagoo sheegay in Puntlland ay u yimaadeen isaga iyo wafdigiisa arrimaha Soomaaliya iyo in la iska kaashado siddii wax looga qaban lahaa kooxa burcadbadeedka iyo arrimaha amniga iyo horumarinta.
no images were found
Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Netherland Mr Ben Knapen iyo wafdigiisa ay la filayaa in ay gaaraan dalka Itoobiya iyagoo kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdi raxmaan Faroole iyo xubno ka tirsan dowlladiisa oo hadda ku sugan magaalada Addis Abba e caasimada dalka Itoobiya.
M_M_Deeq
Halgan.net