Al-shabaab aad bay u mahadsanyihiin! W/Q Sh.Axmed C/samad

May 14, 2013 - Written by Editor

shaxmedQayb ka mid ah hoggaanka xarakada Al-shabaab ayaa waxay sameeyeen wax loogu mahadnaqo.Waxay caddeeyeen xaq badan oo Xarakada dhexdeeda ku lunsanaa, waxayna ka digeen dulmi iyo baadil badan oo xarakadu caadaysatay, horayna aan la isaga reebi jirin. Waxyaabaha muhiimka ah ee raggaas hoggaamiyeyaasha ah ay mudanyihiin in looga mahadceliyo waxaa ka mid ah markhaatiga ay u fureen culumadii muddada dheer xarakada uga naseexaynaysey inxiraafka diimeed ee ay ku jirtey, ummaddana uga digaysey raacida dariiqa qalloocan ee madaxda xarakadu martay.Markhaantiga raggaani culumada u fureena ahmiyad gaar ah ayuu leeyahay; waayo waa rag xeerada salkeeda og oo waxa ay ka hadlayaan cid walba uga xog-ogaalsan.

Dad badan ayaan horay u qaadan cilmigii iyo naseexadii culumadu soo jeedinaysey xilli dadka qaarkii baadilku xaq la ahaa, xaquna la ahaa baadil laakiin maanta culumada waa loo wada ducaynayaa, waxaana loo wada qirsanyahay cilmi, daacadnimo, aragtidheeri iyo geesinimo. Ninkii wax uun shaki ah ku jirey ama wax uun toosnaan ah xarakadaas ku tuhmayeyna waxaa ka shaafiyey hoggaamiyeyaasha maanta xaqa muddada dheer qarsoonaa la jahray oo u bareeray in siddii shacabka Soomaaliyeed oo kale loo laayo ama loo silciyo.

Waxaan isku dayaynaa in aynu dhowr xalaqo kaga hadalno bayaanada iyo qaylodhaanta raggaan madaxda ah sida is dabajoogga ah u soo saarayeen.

Sh. Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online