Al-shabaab oo culumada Soomaaliyeed u markhaati furay Sh Axmed Cabdisamad
May 15, 2013 - Written by EditorFatwada ay rag ka mida hoggaanka Al-shabaab ka soo saareen isku-dayga dilka Abuu Mansuur Al-amriiki qodobo muhiim ah ayay taabatay, waana qodobo dhamaan culumadu horay uga hadleen, fatwadaana ay uga marag furtay. Qodobadaas wixii ay ka dheheen waxaa ka mid ah:
1. “Culumada waxaa Ilaahay ballan kaga qaaday in ay cilmiga caddeeyaan oo aysan qarin, kuwa qariyana wuu ceebeeyey”. Waa kan hadalkaas oo ay ka soo guuriyeen Shaikh Ibnu Taymiya:
قال شيخ الإسلام ابن تيمية رحمه الله: “قَدْ أَخَذَ اللَّهُ عَلَى أَهْلِ الْعِلْمِ الْمِيثَاقَ بِأَنْ يُبَيِّنُوا الْعِلْمَ وَلَا يَكْتُمُوهُ وَذَمَّ كَاتِمِيهِ فَقَالَ تَعَالَى : { وَإِذْ أَخَذَ اللَّهُ مِيثَاقَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ لَتُبَيِّنُنَّهُ لِلنَّاسِ وَلَا تَكْتُمُونَهُ } وَقَالَ تَعَالَى : { وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنْ كَتَمَ شَهَادَةً عِنْدَهُ مِنَ اللَّهِ } وَقَالَ تَعَالَى : { إنَّ الَّذِينَ يَكْتُمُونَ مَا أَنْزَلْنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ وَالْهُدَى مِنْ بَعْدِ مَا بَيَّنَّاهُ لِلنَّاسِ فِي الْكِتَابِ أُولَئِكَ يَلْعَنُهُمُ اللَّهُ وَيَلْعَنُهُمُ اللَّاعِنُونَ} ” مجموع الفتاوى – (13 / 265)
Ogow Al-shabaab inay culumada horay ugu diideen inay xaqa caddeyaan, raggii ku dhiirradayna ay dileen ama u hanjabeen.
2. Xaaraanimada dhiigga muslimka: Waxay hadalka ku bilaabeen aayad Qur’aan ah oo macneheedu yahay: “ Qofkii Mu’min ulakac u dila abaalkiisu waa JAHANNAMO oo uu ku waarayo dhexdeeda, Alle-na waa u carooday, wuuna lacnaday, wuxuuna u diyaariyey cadaab weyn”. Ka dib waxay ka soo guuriyeen Ibnu Kathiir: “Mu’minka sina uguma furna inuu walaalki dilo”. Waxay mas’aladan ku khatimeen: Waxaa diinta si daruuri ah looga ogaaday xaaraanimada dhiigga muslimka oo ku sugnaaday Kitaabka (Qur’aanka), Sunnada iyo Ijmaaca (culumadu isku raacday). Hadalkii ay mas’aladaan ka yiraahdeena waa kan:
Halkaan ka Akhriso Al-shabaab oo culumada Soomaaliyeed u markhaati furay
W/Q Shiikh Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com