Al-shabaab oo culumada Soomaaliyeed u markhaati furay Sh Axmed Cabdisamad

May 15, 2013 - Written by Editor

shaxmedFatwada ay rag ka mida hoggaanka Al-shabaab ka soo saareen isku-dayga dilka Abuu Mansuur Al-amriiki qodobo muhiim ah ayay taabatay, waana qodobo dhamaan culumadu horay uga hadleen, fatwadaana ay uga marag furtay. Qodobadaas wixii ay ka dheheen waxaa ka mid ah:

1. “Culumada waxaa Ilaahay ballan kaga qaaday in ay cilmiga caddeeyaan oo aysan qarin, kuwa qariyana wuu ceebeeyey”. Waa kan hadalkaas oo ay ka soo guuriyeen Shaikh Ibnu Taymiya:

قال شيخ الإسلام ابن تيمية رحمه الله: “قَدْ أَخَذَ اللَّهُ عَلَى أَهْلِ الْعِلْمِ الْمِيثَاقَ بِأَنْ يُبَيِّنُوا الْعِلْمَ وَلَا يَكْتُمُوهُ وَذَمَّ كَاتِمِيهِ فَقَالَ تَعَالَى : { وَإِذْ أَخَذَ اللَّهُ مِيثَاقَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ لَتُبَيِّنُنَّهُ لِلنَّاسِ وَلَا تَكْتُمُونَهُ } وَقَالَ تَعَالَى : { وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنْ كَتَمَ شَهَادَةً عِنْدَهُ مِنَ اللَّهِ } وَقَالَ تَعَالَى : { إنَّ الَّذِينَ يَكْتُمُونَ مَا أَنْزَلْنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ وَالْهُدَى مِنْ بَعْدِ مَا بَيَّنَّاهُ لِلنَّاسِ فِي الْكِتَابِ أُولَئِكَ يَلْعَنُهُمُ اللَّهُ وَيَلْعَنُهُمُ اللَّاعِنُونَ} ” مجموع الفتاوى – (13 / 265)
Ogow Al-shabaab inay culumada horay ugu diideen inay xaqa caddeyaan, raggii ku dhiirradayna ay dileen ama u hanjabeen.

2. Xaaraanimada dhiigga muslimka: Waxay hadalka ku bilaabeen aayad Qur’aan ah oo macneheedu yahay: “ Qofkii Mu’min ulakac u dila abaalkiisu waa JAHANNAMO oo uu ku waarayo dhexdeeda, Alle-na waa u carooday, wuuna lacnaday, wuxuuna u diyaariyey cadaab weyn”. Ka dib waxay ka soo guuriyeen Ibnu Kathiir: “Mu’minka sina uguma furna inuu walaalki dilo”. Waxay mas’aladan ku khatimeen: Waxaa diinta si daruuri ah looga ogaaday xaaraanimada dhiigga muslimka oo ku sugnaaday Kitaabka (Qur’aanka), Sunnada iyo Ijmaaca (culumadu isku raacday). Hadalkii ay mas’aladaan ka yiraahdeena waa kan:

Halkaan ka Akhriso Al-shabaab oo culumada Soomaaliyeed u markhaati furay

W/Q Shiikh Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online