Ardayda iyo Macalimiinta Mac,hadu dacwa oo rixlo dacwo ah ku tagay deegaanka Ow Barkhadle (Masawiro)

May 15, 2013 - Written by Editor

SAM_0406Hargeysa:-Ardayda iyo Macalimiinta Mac,hadu dacwa ee daraasaadka islaamka iyo luuqada carabiga ee ku yaal magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland ayaa u baxay safar dacwo ah oo ciwaan keedu yahay (التحذير من المهلكات ) waxaana ay socdaalkaas dacwada u baxeen 13/5/2013 waxaana rixladan soo qaban qaabiyey mu,asasada Al-Karam.ee dacwada iyo horumarinta, safarkan oo qaatay muddo ku dhow 12 saacadood ayaa waxa loogu baxay duleedka deegaanka Ow Barkhadle ee bariga xaunta soomaliland .

Safarka oo ahaa mid aad loo soo agaasimay ayaa waxa lagu soo bandhiga barnaamujyo kala duwan oo kala ah.

1-Wacyigalin iyo dardaarano kala gadisan

2-Khudbado Carabi iyo Soomaali ah oo ay soo jeediyeen ardaydu

3-Gabayo diini ah

4-Tartan iyo Musaabaqooyin kala duwan.

Waxa ka mid ah culimadii ka qayb gashay safarka dacwadeed ee lagu tagay deegaanka Ow Barkhadle waxayna ka jeediyeen wacdi iyo towjiihaad kala duwan.

1-Sheekh Ibraahim Ahmed Xirsi oo ah Maamulaha macaahidu dacwa, waxa uu sheekhu ka waramay Janada iyo Naciimadeeda

2-Sheekh C/raxmaan Cumar Cigaal oo ka mid ah maclimiinta wax ka dhigta machadka waxa uu aad uga waramay in laga fikiro makhluuqaadka illaahay iyo aayadihiisa kowniga ah

3-Sheekh Maxamed Aden Faarax waxa uu ku dhiiri galiyey ardayda in ay ka fogaadaan dulmiga, mukhaadaraadka, dilka, tahriib, iyo wixii la mid ah.

no images were found

Jawiga ayaa waxa uu ahaa mid aad u qurux badan,dhulka waxa ka muuqday cagaar iyo rays udgoon, Macaahida Al- dacwa ayaa waxa la aasaasay sanadkii 2003 magaalada Hargeysa waxaana uu marayaan hadda 4 farac oo ku kala yaal xaafadaha magaalada Hargeysa waxa lagu qaataa daraasaad islaamiya iyo luuqada Carabiga, waxa ka mid ah culimadii aasaasatay.

1-Sheekh Maxamed Cumar Dirir
2-Sheekh Maxamed Cali Jaamac
3-Sheekh Xasan Cabdi Salaam Iyo culimo kale .

Mu,asasada Al-Karam.ee dacwada iyo horumarinta
Hargeysa
Halgan.net

Leave a comment

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online