Ardayda iyo Macalimiinta Mac,hadu dacwa oo rixlo dacwo ah ku tagay deegaanka Ow Barkhadle (Masawiro)
May 15, 2013 - Written by EditorHargeysa:-Ardayda iyo Macalimiinta Mac,hadu dacwa ee daraasaadka islaamka iyo luuqada carabiga ee ku yaal magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland ayaa u baxay safar dacwo ah oo ciwaan keedu yahay (التحذير من المهلكات ) waxaana ay socdaalkaas dacwada u baxeen 13/5/2013 waxaana rixladan soo qaban qaabiyey mu,asasada Al-Karam.ee dacwada iyo horumarinta, safarkan oo qaatay muddo ku dhow 12 saacadood ayaa waxa loogu baxay duleedka deegaanka Ow Barkhadle ee bariga xaunta soomaliland .
Safarka oo ahaa mid aad loo soo agaasimay ayaa waxa lagu soo bandhiga barnaamujyo kala duwan oo kala ah.
1-Wacyigalin iyo dardaarano kala gadisan
2-Khudbado Carabi iyo Soomaali ah oo ay soo jeediyeen ardaydu
3-Gabayo diini ah
4-Tartan iyo Musaabaqooyin kala duwan.
Waxa ka mid ah culimadii ka qayb gashay safarka dacwadeed ee lagu tagay deegaanka Ow Barkhadle waxayna ka jeediyeen wacdi iyo towjiihaad kala duwan.
1-Sheekh Ibraahim Ahmed Xirsi oo ah Maamulaha macaahidu dacwa, waxa uu sheekhu ka waramay Janada iyo Naciimadeeda
2-Sheekh C/raxmaan Cumar Cigaal oo ka mid ah maclimiinta wax ka dhigta machadka waxa uu aad uga waramay in laga fikiro makhluuqaadka illaahay iyo aayadihiisa kowniga ah
3-Sheekh Maxamed Aden Faarax waxa uu ku dhiiri galiyey ardayda in ay ka fogaadaan dulmiga, mukhaadaraadka, dilka, tahriib, iyo wixii la mid ah.
Jawiga ayaa waxa uu ahaa mid aad u qurux badan,dhulka waxa ka muuqday cagaar iyo rays udgoon, Macaahida Al- dacwa ayaa waxa la aasaasay sanadkii 2003 magaalada Hargeysa waxaana uu marayaan hadda 4 farac oo ku kala yaal xaafadaha magaalada Hargeysa waxa lagu qaataa daraasaad islaamiya iyo luuqada Carabiga, waxa ka mid ah culimadii aasaasatay.
1-Sheekh Maxamed Cumar Dirir
2-Sheekh Maxamed Cali Jaamac
3-Sheekh Xasan Cabdi Salaam Iyo culimo kale .
Mu,asasada Al-Karam.ee dacwada iyo horumarinta
Hargeysa
Halgan.net
Leave a Reply
![]() |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|