Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS oo sheegay in ay qabsadeen degaanka Awdiinle
May 10, 2013 - Written by EditorBaydhabo:-Ciidamo ka tirsan AMISOM oo taageeraya ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Bay, kaasoo Baydhabo u jira 30-km waxayna ciidamada huwanta ay ka sameysteen xarun ciidan.
Deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Bay ayaa waxaa dhowr jeer horay u qabasday ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS waloow ay markii danbe isaga soo baxeen.
Ciidamo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa isaga baxay degaanka Awdiinle inta aysan soo gaarin ciidamadaan AMISOM iyo kuwa Dowlada federaalka ee Soomaaliya.Ciidanka AMISOM iyo ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa usbuucii hore waxaa ay sheegeen in ay qabsadeen lana wareegeen deegaanka Goof-gaduud
Taliyaha ciidamada booliska gobolka Bay Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in degaano dhowr ah oo ka tirisan Gobollada Bay iyo Bakool ay qabsadeen ururka Al-Shabaab
Ilaa hadda ma jiraan masuuliyiin ka tisran ururka Al-shabaab oo ka hadlay guulaha ay sheegteen ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowllada Federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net