Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyey Magaalada Beledweyne

May 4, 2013 - Written by Editor

hiiraanHiiraan:-Ciidamada DFS  iyo kuwo AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa maanta hawlgallo ka sameeyey gudaha magaalada B/weyne waxaana ay gacanta ku soo dhigeeen 25 qof  oo lagu eedeeyey in ay amaanka wax u dhimayeen.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan Col.Isaaq Cali Cabdulle ayaa saxaafada u xaqiijiyey in ay saaka howlgalo ka sameeyeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM gudaha Magaalada  Beledweyne waxaana uu sheegay in ay soo qabteen hub iyo walxaha qarxa.

Taliyaha booliska ee gobolka Hiiraan Col.Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in howlgala ay sii socon doonaan wuxuuna sheegay in dadka saaka la qabtay lagu sameyn doono baaritaanno dheeraad ah cidii aan dambi lahayna la sii dayn doono.

Guddomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan weerar ay rabaan in ay fuliyaan kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab kuwaas oo soo galay gudaha magaalada  Beledweyne.

Magaalada Beledweyne  ayaa labadii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay weeraro loo adeegsaday Bamka gacanta laga gano taas oo sababtay dhimashada hal askari iyo dhaawaca dhowr qof oo rayid ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online