Dufcadii Afraad oo ka qalinjabisa Machadka Al-furqaan Ee Degmada Xudun.[Cod& sawiro]
May 24, 2013 - Written by EditorXudun:Bulshada ku nool Gobollada Sool & Sanaag Cayn ayaa dhawaanahaan danbe waxaa ay noqdeen gobollada dalka Soomaaliya ugu horeeya barshada dhinac diinta islaamka haddaba Magaalada Xudun oo haatan ku jirta Xaalad middii ugu adkeyd abid soomartay ayaa waxaa halkaas ku yaal Machad diiniya. Machadkaan ayaa waxa ka qalin jabisay Arday wax kabarata dhinac shareecada diinta islaam ka Arday daan oo ah kuwo aad u yar yar kuwaas oo labaray Aqoon aad u qiimo badan taas oo ay ku tabceen Macalimiinta iyo waalidiinta dufcadaan ayaa waxaa ay tahay middii 2aad ee kabaxda Machadka oo tiradoodu gaadhayso ilaa 60 Arday.
no images were found
Xaflada qalin jabinta Ardayda ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Machadka ,Odayaasha deegaanka degmada Xudun iyo weliba aqoonyahano ku dheeraaday qiimaha waxbarshada Dhinac diinta ay leedahay. Odayaasha iyo waxgaradka degmada Xudun ayaa waxaa ay mahad balaaran u soo jeediyeen Xaaji C\naasir Cali dheere oo ah Ganacsade ka soo jeeda Gobollada Sool Sanaag iyo Cayn iyadoo sidoo kale uu socdo Dhismihii Machadka ee uu ku deeqay Xaaji C\naasir Cali Dheere.
Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta ka hadlay culimo, ducaad, iyo maamulka Machadka iyagoo ugu baaqay Jaaliyaadka dibada in ay ka qayb qaataan siddii machadka dhismihiisa loo dhamaystiri lahaa iyo in ay gacan u soo fidiyaan Goobaha waxbarashada si kor loogu qaado aqoonta dhinac diinta iyo mid kaleba dhalinta yar yar ee soo koraysa.
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/7dk33t7yc3/machadka_allfurqaan_xudun_iyo_qalinjabintii_dufcada_2_baad.mp3″] ama Halkaan ka rogo
Halgan.net