Ergooyinkii dooran lahaa madaxwaynaha Jubba land oo loo qeybiyey Kaararkii aqoonsiga.

May 14, 2013 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magalada Kismaayo xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in maanta loo qeybiyey qaar ka mid ah ergooyinkii dooran lahaa  madaxwaynaha Jubba land kaararkii aqoonsiga.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Juba Land ayaa si weyn looga dareemayo qabanqaabada iyo diyaargarowga lagu dooran lahaa madaxweynaha Juba Land.

Mid ka mid ah ergooyinka loo qeybiyey kaarka aqoonsiga oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in inta dhiman ergooyinka maalinta birito ah la siin doono kaararka aqoonsiga ka dib la guda gali doono doorashada madaxweynaha maamul gobaleedka Juba Land.

Afhayeenka shir gudoonka shirka Kismayo Cabdinaasir Guure Faarax oo la hadlay isagana saxaafada  ayaa sheegay in ay meel wanaagsan ay mareyso doorashada madaxwaynaha Juba Land .

Madaxada DFS ayaa si cad uga soo horjeeda qaabka uu ku socdo shirka maamul gobaleed loogu sameynayo gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online