Golaha wasiirada oo maanta ansixiyaya sharciga dhismaha hay’add maareynta musiibooyinka

May 30, 2013 - Written by Editor

IMG_9465Muqdisho:-Shirkii golaha wasiirada ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka dhismaha hay’adda maareeynta masiibooyinka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale goluhu ka doodeed labo hindise sharciyeed oo dib loogu celiyay gudiyo farsamo si ay u soo ebyaan inta aanu goluhu ansixin.

Hindise Sharciyeedka dhismaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaara Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka. Waxaana uu sharcigani qeexayaa qaab dhismeedka iyo hawlaha cayiman ee hay’addan oo mudo hal sano iyo lix bilood ah si ku meel-gaar ah ku shaqaynaysay. Hay’adda ayaa ka hawl-galaysa maareynata musiibooyinka dabiicigaa ee ay kamid yihiin abaaraha iyo daadadka ka dhaca Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimada sharci dajinta dalka oo uu ku tilmaamay mid wax tar weyn u leh dib-u-dhiska Soomaaliya. Asagoo dhanka kalana ugu baaqay golaha baarlamaanku inay gudbiyaan shuruucda horyaala ee xukuumadiisu horey ugu soo gudbisay.

“Waa lagama maarmaan in labada gole ee dawladdu ka wada shaweeyaan sharci dajinta dalkan, si loo dar-dar-galiyo hawlaha dawladda iyo adeega bulshada ee baahida weyn ummada Soomaaliyeed u qabto. Sharcigu waa tiirka koowaad ee dib-u-dhiska hay’addaha iyo wakaaladaha muhiimka ah ee qaabilsan fulinta hawsha dawladda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Ibrahim Isaaq Yarrow oo saxaafada la hadlay shirkii golaha wasiirada kadib ayaa sheegay in xukuumadu xooga saartay sharcidajinta si ay u suurto gasho in dalka la xasiliyo lana hormariyo. Waxaa uu wasiirku intaas ku daray inay maanta kaliya golaha baarlaanka xukuumaddu horgaysay shan Hindise Sharciyadeed, kuwo kalana wali horyaalaan golaha oo ay ka sugayaan inay ansixiyaan.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online