Haweeney xirneyd walxaha qarxa oo lagu qabtay Jaamacadda magaalada Kismaayo
May 1, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa saaka ciidanka amniga ee magaalada Kismaayo ee ka amar qaata maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo ay ku qabteen gudaha magaalada Kismaayo haweenay xirnayd walxaha qarxa iyadoo rabtay in ay isku qarxiso xarunta Jaamacadda Kismaayo ee uu ka socday shirka maamul u samaynta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
Ciidanka amniga ee Kismaayo ayaa markii ay qabteen haweenaydaan waxaa ay ka fureen walxihii qarxayey ee ku xirnaa sidda uu saxaafada u sheegay Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo Cabdinaasir Seeraar. Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo Cabdinaasir Seeraar oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidanka amniga iyo kuwa AMISOM ay
ku guulaysteen in ay qabtaan haweenaydaanka dib markii ay baaritaan ku sameeyeen.
Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in haweenaydaan ay Maxkamada soo taagi doonaa sidda ugu dhaqso badan , waa markii 2aad oo qof dumar ah ay sheegaan Madaxda maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo in ay u qab teen in ay fulin lahayd qarax ama weerar is qarxin ah oo ay la beegsanayso xarunta Jaamacadda oo uu ka socdo shir.
Cabdi Yare
Kismaayo