Hayda samafalka ee Manhal oo Qaliin lacag la,aan ah ka sameyneysa magaalada Burco
May 15, 2013 - Written by EditorWasaarada caafimaadka iyadoo kaashanaysa Hay’ada Samafal oo dhakhaatiir ah oo la yidhaahdo Help A Child Face tomorrow oo fadhigooduna yahay dalka Kenya iyo Hayda samafalka ee Manhal waxay fulin doontaa hawlgal caafimaad oo ah qaliimo muhiim u ah dadweynaha.Hay’adan oo hore qaliimo uga fulisay dalka ayaa markii labaad waxay qaliimo kala duwan ka fulin doonaan Magaalada Burco gaar ahaan Cusbitaalka Manhal.
1. Qaliimada faruurta iyo dilaaca dhabxanaga
2 Burning contractions
3 Qaliinka guud sida bog dilaaca ,xabmaytida ganac iyo dhamaan qaliimada caloosha.
4 Qaliimada kadi mareenka iyo Qanjidhka prostate gland
5 Qaliimada lafaha iyo hagaajinta wixii kabniinshiiyo xumaystey.
6 Qaliimada Sanka Dhegaha iyo Cunaha.
Goorta qaliinku waa 28/05/2013 goobtu waa Manhal Hospital BURCO
Diiwaan gelintu way socotaa .Dhamaan qaliimadani waa lacag la’aan ee ha laga fa’iideysto”
wixii faahfaahin aha lala xidhiidho agaasimaha isbitaalka Manhal- Burco (DR. RAAGE – 2522-4416310)
Eng. Abdirahman Hussein Ahmed
Public relation Officer
Manhal Charitable organization
email: almanhal@hotmail.com