Madaxweynaha DFS iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray caawa magaalada Addis Ababa
May 23, 2013 - Written by EditorAddis Ababa:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa caawa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaana uu ka qeyb gali doonaaa munaasabad lagu xusayo 50 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo aasay ururka Midowga Africa.
Madaxweynaha DFS ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona qaar ka mid ah madaxada wadamada Midowga Afrika kuwaas oo ka qeyb galaya munaasabada lagu xusayo 50 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka Midowga Africa.
Madaxweynaha DFS ayaa lagu wadaa in uu kulanka ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya uu kala hadli doono madaxda Midowga Afrika xaalada Soomaaliya iyo waxqabadka dowladiisa iyo xaalada gobalada Jubooyinka.
Warar aan wili la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Juba Land Ahmed Madoobe uu gaari doono magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si ay u wada kulmaan Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net