Madaxweynaha DFS oo diiday Maamulka J/land iyo Gooni isku taaga S/land (Daawo)
May 18, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayey munaasabad lagu furayey xarun waxbarasho oo dowladda Turkoga hirgelisay, ayaa sheegay in uu ka digayo colaad ka dhacda gobolaha Jubbbooyinka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in doorashadii dhawaan ka dhacday ay aheyd mid ayan u dhammeyn dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.
Mar uu ka hadlayey Somaliland, ayuu sheegay in dowladdiisu ay xoogga saareyso sidii loo ilaalin lahaa Midnimada umadda Soomaaliyeed, isagoona Somaliland ugu baaqay inay iska iloobaan wixii horey u dhacay.
Hoos Ka Daawo Hadalka Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud
Somali Channel
Halgan.net