Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntlland oo kulmay.[Video]

May 30, 2013 - Written by Editor

2Nairobi:-Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta. Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyanaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibada Dowllada Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yusuf , Safiirka DFS ee dalka Kenya.

Madaxweyanaha DFS Xassan Sh.Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntlland Dr .C/raxmaan Faroole ayaa kulan gaar ah ku yeeshay garoonka diyaaradaha ee  Jomba Kenyatta  gaar ahaan qolka  martida iyadoo aan ilaa hadda si rasmi ah loo shaacin wax ay ka wada hadleen.

no images were found

Madaxweynaha Puntlland iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inta ay joogaan magaalada Nairobi waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Midowga Yurub iyo xubno kale oo ka tirsan beesha caalamka.Dhinac kale waxaa la filayaa in madaxweynaha Puntlland iyo wafdigiisu in ay kulan la qaadan doono , jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool dalka Kenya  iyo weliba Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata iyo wasiiro ka tirsan dowllada dalka Kenya.

Hoos ka Daawo Madaxweynaha DFS oo soo dhaweynaya wafdiga Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole

C/casiis Maxamed
Nairobi.Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online