Madaxweynaha Juba Land Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyey Madaxda DFS (Dhageyso)
May 25, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa digniin u diray madaxda DFS isaga oo sheegay in DFS ay faro galin ku heyso arimaha Kismaayo Ahmed Madoobe ayaa ku hanjabay in waxgaradka ka soo jeediyey gobalada Jubooyinka ay u yeeran doonaan xildhibaanada ka tirsan DFS ee ka soo jeeday gobalada Jubooyinka.
Madaxweynaha Juba Land Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey madaxada DFS in ay wado abaabul ay ku dooneyso in ay iska horkeento shacabka ku nool Gobollada Jubbbooyinka iyo Gedo ka dib markii ay abaabushay rag isku magacaabay Madaxweynayaal sida uu sheegay Ahmed Madoobe wuxuuna yiri waxaan u haynaa cadeyn in dowladdu ay soo abaabushay dadka sheegtay madaxweynayaasha Jubaland lacag faro badana ay ku bixisay.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in wafdiga DFS u soo dirtay magaalada Kismaayo aan cidna ku soo wargalin arinkaasna uu qalad yahay wuxuu sidoo kale ku eedeeyey madaxda DFS in ciidamo ka tirsan DFS ay ku amartay in ay dagaal ka ridaan gudaha magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Afhayeenka maamulka Jubaland Cabdinaasir Seeraar oo shir jaraa’iid oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay dagaal u diyaargaroobayaan haddii dowladda ay isku daydo in ay ciidamo u soo dirto magaalada Kismaayo.
Masuuliinta DFS ayaan ilaa haatan ka jawaabin eedeynta loo soo jeediyey .
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga BBC la yeelatay Madaxweynaha Juba Land Ahmed Madoobe.
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/282wlkr7i7/madoobe.mp3″]
Cabdi Yare
Halgan.net