Madaxweynaha Juba land oo sheegay in aysan aqbali dooni maamul kale (Dhageyso)

May 26, 2013 - Written by Editor

Axmed-MadoobeKismaayo:-Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo shirkii Kismaayo ka socday loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo war-murtiyeedka ka soo baxay madaxda ururka IGAD ee ku baaqayay in dowladda Somalia ay u qabato dhinacyada Jubbooyinka shir dib u heshiisiineed oo maamul KMG ah lagu soo dhisayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubooyinka uu maamul u dhisan yahay isla markaana aysan oggolaan doonin in maamul cusub mar kale la soo dhiso, Axmed wuxuu intaas ku daray in shirka IGAD ku baaqday ee dowladdu ay hormuudka ka noqon doontaa uu yahay mid lagu dhammeystiri doono maamulkii ay iyagu horey u dhiseen.

Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale dowladda Federaalka ku eedeeyay inay qas ka wado gobollada Jubbooyinka, kana danbeyso maamullada lagaga dhawaaqay Kismaayo, wuxuuna sheegay in wixii dhibaato ee Kismaayo ka dhalata ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso wareysiga ay Idaacada VOA ay la yeelatay Ahmed Madoobe
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/nmj0lbctou/ahmed.mp3″]

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online