Madaxweynaha Puntlland oo Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Jubbaland

May 15, 2013 - Written by Editor

FAROOLEGaroowe-Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr C/raxmaan Faroole oo dhawaan saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Jubbaland oo maanta loo doortay Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa kale uu hambalyo u diray dhamaan ergooyinkii mudadad badan u fadhiyey dhismaha maamul gobolleedka Jubbaland wuxuuna ku tilmaamay talaabada lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland Ahmed Madoobe ay ahayd mid la sugayey.

Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in Puntlland ay taageersan tahay Madaxweynaha cusub ee la doortay iyo qaabka lagu doortay isagoo ku nuuxnuuxsaday in Jubbaland ay ku soo biirtay maamul gobolledyada ka jira dalka isagoo ku baaqay in la dhiso maamuladii kale.

Warkaan oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.

Cabdi Yare
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online