Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay xarunta wasaarada waxbarashada Puntland.

May 2, 2013 - Written by Editor

Jen_CabdisamedGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta dhagax dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonto Wasaarada Waxbarashada ee Puntland;Munaasabada dhagax dhiga Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliin kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamad Cali Shire ayaa waxaa uu sheegay in dowladiisu ay wado qorshayaal lagu horumarinayo xarumaha wasaaradaha Puntland wuxuuna si gaar ugu mahad celiyey ha`yada caalamiga ah ee ka howlgala Puntland .

Munaasabada dhagaxdhiga ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Cabdi Faarax Juxa ,Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada C/wahaab Axmed iyo Wasiirka arrimaha gudaha Jen C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir .

Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegey in dhulkan uu ka koobanyahay 160×120 ,wuxuuna u mahad celiyey madaxda Puntland gaar ahaan madaxada dowladda hoose ee degmada Garoowe kuwaas oo juhdi ku bixiyey in dhulka sidaas u balaaran ay heysho Wasaarada Waxbarashada ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen.Cabdisamad Cali Shire ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada iyo maamulka DDS isaga oo uga tacsiyeeyey gaarida ku timid Allaha u naxariistee Abwaaan C/laahi Macalin Dhoodaan.
Dowlada Puntland ayaa haatan wada mashruuc ay ku hormarinayso xarumaha wasaaradaha Puntland iyada oo taageero ka helaysa hay´daha caalamiga ah ee ka howlgala Puntland .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online