Maxkamad ku taalla Minnesota oo xukun ku riday laba dhalinyaro oo Soomaali ah

May 14, 2013 - Written by Editor

dhalintaMinnesota:-Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday laba dhalinyaro oo Soomaali ah waxaana lagu eedeeyey in ay xiriir la lahaayeen Ururka Al-Shabaab .Labada muwaadin ee Soomaalida ah oo xukunka lagu riday ayaa diiday dhamaan eedeymihii ay maxkamada u soo jeedisay.

Maxakamada ku taal magaalada Minnesota ayaa waxaa la keenay Kamaal Saciid Xasan iyo Maxamuud Saciid Cumar oo in mudo ah ay socotay dacwadooda waxaana xeerilaaliyaha maxkamada uu ku dooday in Maxamuud Sacid Cumar loo heysto ilaa 5danbi halka Kamal Saciid Xasan loo soo jeediyey ilaa 3 danbi waxaana lagu xukumay 10 ilaa 20 sano oo xarig ah .

Qareenka u doodaya labada muwaadin ee Soomaalida ah iyo ehelada Kamaal Saciid Xasan iyo Maxamuud Saciid Cumar ayaa beeniyey in ay wiilashooda ay xiriir la lahaaayeen Ururka Al-Shabaab waxaana ay xukunka lagu riday ay sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan iyaga oo ku tilmaamay xukunka Maxkamada mid dulmi ah.

Waxaa sidoo kale jira dhalinyaro iyo dumar u xiran dowlada Mareykanka iyaga oo ku eedeeyey in xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ama ay lacag u direen oo xukun sugaya .

Soomaalida ku dhaqan qurbaha gaar ahaan wadamada Yurub iyo Mareykan ayaan lahayn Qareemo iyo Jaaliyado mideysan oo wajaha dhibaatooyinka soo wajaha waxaana ku xiran wadamada Yurub iyo Mareykanka Soomaali tiro badan oo loo heysto danbiye kala duwan.

C/fitaax Sheekh Ahmed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online