Mooshin ka dhan Ra’iisul wasaare DFS Saacid oo ka socda Magaalada Muqdisho

May 15, 2013 - Written by Editor

saacid1Muqdisho:-Xildhibaan ka trisan Golaha Baarlamaanka dowlada Federaalka Soomaaliya  oo kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay gudbiyeen  mooshin ka dhan ah Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Saacid, waxaana mooshinkaan gudbiyey Xildhibaan gaaraya ilaa 97 iyadoo dib loogu balamay 22 bisha May.

Shirka maanta ay iskugu yimaadeen Xildhibaan Golaha baarlamaanka ee Dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulanka ayaa maanta waxaa soo xaadiray ilaa 149 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Dowllada Federaal ka Soomaaliya, waxaan ay warbixin ka dhagaysteen gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari isagoo uga warbixiyey safaro kale duwan oo dalka dibadiisa uu ku tegay gaar ahaan dalka Turkiga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga warbixiyey safarkiisa Xildhibaanada waxaan warbixinta ka dib uu ugu  baaq Xildhibaanada in si deg deg  ah loo soo buuxiyo boosaskii ay baneeyeen  Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac Goobe oo  loo magacaabay Taliyaha ciidanka Nabad sigida DFS iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo iska casilay xilka Xildhibaanimo ee dowllada Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa isbuucaan si xowli ah uga socda Mooshin ka dhan ah Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxaana mooshinkaas ka digay Maamulka Puntland.Galmudug ,iyo siyaasiyiin kala duwan .

A/Cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online