Nadwo cilmiyeed lagaga hadlayey shiicada oo lagu qabtay magaalada Boorama(Masawiro)
May 15, 2013 - Written by EditorBoorame :-Nadwo cilmiyeed lagaga hadlayey shiicada oo ay soo abaabushay Mu,asasada Al –Karam ee horumarinta dacwada ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobalka Owdal .
Kulankan ayaa waxa uu ciwaankiisu ahaa الغزو الشيعي أطماع واحقاد waxaana ka soo qeyb galay dadweyne tiro badan kuwaas oo ka kala yimid dhamaan xaafadaha magaalada Boorama
Kulankan Dacwiga ah ee socday 2 maalmood ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliin ka socdo wasaarada diinta iyo owqaafta ee Maamulka S/land.
Waxaa Nadwada ka soo qeyb galay Culimo waawayn oo ka kala yimid magaalooyinka Buuhoodle ,Laascaanood,Burco,Hargeysa,Gibiley,iyo Boorame.
no images were found
Culumada ayaa si weyn uga hadlay dhibka iyo Inxiraafka Shiicada ay ku hayaan Caalamul Islaami guud ahaan iyo Soomaaliya Gaar ahaan waxaana umada ay ku booriyeen barashada diinta Islaamka iyo ku xirnaanta culumadooda Salafka ah.
Mu,asasada Al –Karam
Boorama
Halgan.net