Nadwo cilmiyeed lagaga hadlayey shiicada oo lagu qabtay magaalada Boorama(Masawiro)

May 15, 2013 - Written by Editor

SAM_0465Boorame :-Nadwo cilmiyeed lagaga hadlayey shiicada oo ay soo abaabushay Mu,asasada Al –Karam ee horumarinta dacwada ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobalka Owdal .

Kulankan ayaa waxa uu ciwaankiisu ahaa الغزو الشيعي أطماع واحقاد waxaana ka soo qeyb galay dadweyne tiro badan kuwaas oo  ka kala yimid dhamaan xaafadaha magaalada Boorama

Kulankan Dacwiga ah ee socday 2 maalmood ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliin ka socdo wasaarada diinta iyo owqaafta ee Maamulka S/land.

Waxaa Nadwada ka soo qeyb galay Culimo waawayn oo ka kala yimid magaalooyinka Buuhoodle ,Laascaanood,Burco,Hargeysa,Gibiley,iyo Boorame.

2

Image 1 of 7

Culumada ayaa si weyn uga hadlay dhibka iyo Inxiraafka Shiicada ay ku hayaan Caalamul Islaami guud ahaan iyo Soomaaliya Gaar ahaan waxaana umada ay ku booriyeen barashada diinta Islaamka iyo ku xirnaanta culumadooda Salafka ah.

Mu,asasada Al –Karam
Boorama
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

249,212 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>