Nadwo Diini ah oo ka bilaabantay Masjidka Al-Nuur ee magaalada Hargeysa

May 30, 2013 - Written by Editor

nadwah (2)Hargeysa:-Masjidka Al-Nuur ee magaalada Hargeysa ee xarunta S/land ayaa waxaa ka bilaaw day Nadwadii Afraad oo ka mid  ah nadwooyin  taxane  ahaa  oo  ka socday 3 dii  bilood  ee u  danbeeyey taas  oo  ciwaan looga  dhigay  ka  digida  wax yaabaha lagu  halaagsamo, waxa  ka  qayb qaatay culimo kala duwan waxana looga hadlay mawaadiic kala duwan.Nadwadan ayaa ah Nadwadii Afraad waxaana ciwaankeedu  ahaa         ولا تقتلوا أنفسكم إن الله كان بكم رحيما Nadwadan  ayaa  waxay  socon doontaa  in sha allaahu 2 habeen.

Duruusta iyo Muxaadaraadka  ayaa  waxaa  ka  qayb qaadanaya  culimadan  kala ah.

1-Sheekh Yuusuf Aden Maxamed
2-Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliiki
3-Sheekh Cabdi Qani Xuseyn
4-Sheekh C/raxmaan Aden Cige
5-Sheekh Ciise Maxamuud C/laahi
Nadwadan ayaa waxaa soo agaasimay Mu,asasada AL-KARAM ee dacwada  iyo horumarinta Waxanay khitaam  iyo gabagabo u tahay  nadwooyin soo socday oo  aynu odhan karno  waxay  ku soo beegmeen waqti loo baahnaa  waxanay daweeyeen cuduro bulshada  haystay.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa in uu noo xafido culimada kana abaal mariyo khayrka ay ummadda gaarsiinayaan .Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Muxaadaraadka iyo tawjiihaadka culumada marka ay na soo gaaraan Inshalaah .

Mu,asasada  AL-KARAM
Hargeysa

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online