Nadwo lagu qabtay Masjidka Salaama ee Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland(Dhageyso)
May 13, 2013 - Written by EditorHargeysa:-Waxaa lagu qabtay Masjidka Salaama ee magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soamliland Nadwo cilmiyeed ciwaankeedu uu ahaa ولا تقتلوا أنفسكم )) waxaana nadwada isku soo dubariday mu,asasada alkaram ee dacwada iyo horumarinta bulshada
Nadwadan ayaa waxay ka mid tahay xamlo dacwadeed oo ay wadeen culumada Soomaaliyeed oo ay ku wayci galinayeen shacabka Soomaaliyeed waxaana ay xamladaas cinwaan uga dhigeen التحذير من المهلكات taas oo socotay mudo 3bilood ah.
Nadwo Cilmiyeedka lagu qabtay magaalada Hargeysa gaar ahaan Masjidka salaama ayaa waxaa ka qeyb galay culumad kala ah.
1-Sheekh Ibraahim Ahmed Xirsi
2-Sheekh Maxamed Aden Faarax
3-Sheekh Maxamed Xusen Cali (Deeq)
Nadwadan lagu qabtay masjidka Al-salaam ee xaafadda ibraahim koodbuur ee magaalada hargaysa, ayaa waxa ka faa,iidaystay dad aad u farabadan oo ka kala yimid xaafado kala duwan oo ka tisan magaalada hargaysa,
Culimada ka qaybgashay nadwadan ayaa waxa ay ka warameen xurmada dhigga muslimka ah iyo shareecadu sida adag ay uga digtay daadinta dhiig xaaraam ah, nadwaadkan oo sii socon doonta ayaa waxaa tabinayey iclaanka lokalka ah iyo kan dibada
Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii ay culumada ka jeediyeen Masjidka Al-Salaam ee magaalada Hargeysa
[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/27fyx7kqov/ha_dilina_nafihiina_.mp3″] Ama Halkan Mp3
Musasat Al-Karam ee Horumarinta Dacwada.
Hargeysa