Puntlland oo sheegtay in aysan ka qayb galaynin shirka ka dhici doona London.[Warsaxaafeede]
May 3, 2013 - Written by EditorGaroowe:-War-saxaafadeed ka soo baxay maanta dowllada Puntlland nuqul ka mid ahna uu soo gaaray warqabadka Halgan.net ayaa waxaa ay si rasmi ah ugu sheegeen in aysan ka qayb geli doonin shirka ka dhici doona magaalada London 7-da bisha May 2013 maadaam aysan wax casumaad ah oo rasmi ah ka helin weli dowllada Ingriiska. War-saxaafeedka oo ku qornaa luqada Ingriiska ayaa lagu faah faahiya socdaalii uu Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh uu ku gaaray magaalada Garoowe iyo wadahadaladii dhexmaray isaga iyo Madaxda Puntlland. War-saxaafeedka ayaa lagu xusay dowrkii ay Puntlland ku lahayd dhamaystirka ka bixitaankii xiliga ku meel gaarnimada dowllada Federaalka Soomaaliya iyo kaalintii ay kaga jirtay Puntlland iyo in Puntlland ay tahay xubin ka mid ah Soomaaliya uuna ka jiro nabadgelyo iyo deganaansho ayna qayb weyn kaga jirto xal u raadinta dalka Soomaaliya iyo siddii xal looga gaari lahaa dhibaatada dheeraatay eek a jirta dalka Soomaaliya.
War-saxaafeedka ayaa waxaa kale oo lagu xusay in Puntlland ay dhaliisahan tahay saamiga dhaqaale ee aduunka uu siiyo dalka Soomaaliya in uusan ahayn mid loo qaybiyo si cadaalad ah ayna ka rajaynayaan in shirka London ka dhacay 7-da bisha May arrimahaas
il gaar ah lagu eego si ay Puntlland u hesho saamiga ay xaqa u leedahay Dastuurkuna uu u ogal yahay.
Halkaan ka akhriso war-saxaafeeddka ka soo baxay Puntlland 03May2013
Communications Office
The Puntland Presidency
Office: +252 907 — 794312 /
794040 / 794776 / 794597 / 799128