Puntlland oo sheegtay in aysan ka qayb galaynin shirka ka dhici doona London.[Warsaxaafeede]

May 3, 2013 - Written by Editor

pl Garoowe:-War-saxaafadeed ka soo baxay maanta dowllada Puntlland nuqul ka mid ahna uu soo gaaray warqabadka Halgan.net ayaa waxaa  ay si rasmi ah ugu sheegeen in aysan ka qayb geli doonin shirka ka dhici doona magaalada London 7-da bisha May 2013 maadaam aysan wax casumaad ah oo rasmi ah ka helin weli dowllada Ingriiska. War-saxaafeedka oo ku qornaa luqada Ingriiska ayaa lagu faah faahiya socdaalii uu Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh uu ku gaaray magaalada Garoowe iyo wadahadaladii dhexmaray isaga iyo Madaxda Puntlland. War-saxaafeedka ayaa lagu xusay dowrkii ay Puntlland ku lahayd dhamaystirka ka bixitaankii xiliga ku meel gaarnimada dowllada Federaalka Soomaaliya iyo kaalintii ay kaga jirtay Puntlland iyo in Puntlland ay tahay xubin ka mid ah Soomaaliya uuna ka jiro nabadgelyo iyo deganaansho  ayna qayb weyn kaga jirto xal u raadinta dalka Soomaaliya iyo siddii xal looga gaari lahaa dhibaatada dheeraatay eek a jirta dalka Soomaaliya.

War-saxaafeedka ayaa waxaa kale oo lagu xusay in Puntlland ay dhaliisahan tahay saamiga dhaqaale ee aduunka uu siiyo dalka Soomaaliya in uusan ahayn mid loo qaybiyo si cadaalad ah ayna ka rajaynayaan in shirka London ka dhacay 7-da bisha May arrimahaas
il gaar ah lagu eego  si ay Puntlland u hesho saamiga ay xaqa u leedahay Dastuurkuna uu  u ogal yahay.

Halkaan ka akhriso war-saxaafeeddka ka soo baxay Puntlland 03May2013

Communications Office
The Puntland Presidency
Office: +252 907 — 794312 /
794040 / 794776 / 794597 / 799128

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online