Ra’iisul Wasaaraha DFS “Waan qaadanay qorshaha midaynta deeqaha caalamka

May 14, 2013 - Written by Editor

IMG_8571Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta ka hadlay muhiimada midaynta gargaarka deeq-bixiyeyaasha ee loo yaqaan ‘New Deal Process’. Munaasabdan oo lagu maamusay bilowga qorshahaan cusub ayaa ka dhacday Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay xubno ka tirsan labada golle ee dawladda, diplomasiyiin, masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa.

Qorshahan cusub ayaa waxaa dajiyay deeq-bixiyeyaasha gaar ahaan wadamada ku bahoobay g7+ waxaana loogu talagalay in lagu caawiyo 19 wadan oo ay colaado ragaadiyeen. Waa qorshe midaynaya dawlaadda Soomaaliya, ururada bulshada iyo deeq-bixiyeyaasha si loo daboole baahida mucaawino ee dalka Soomaaliya. Waa qorshe lagu doonayo in kor loogu qaado waxtarka deeqaha caalamku siiyo wadamada ka soo kabanaya dagaalada.

“Waxaan diyaar u nahay inaan deeq-bixiyeyaasha caalamka kala shaqayno qorshahan oo noo ogolaanaya inaan sheegano baahideena rasmiga ah iyo qaabka aan u doonayno in gacan nalooga siiyo,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay furitaankii munaasabadan lagu maamuusayay bilowga qorsha “New Deal”.

no images were found

Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Qaranka mudane Maxamed Xasan Suleymaan oo munaasabadan ka hadlay ayaa isna sheegay in ugu horeyn dawladdu daraaseyn rasmi ah ku samaynayso xaalada dalka iyo colaadaha. Asagoo intaas ku daray in daraasada kadib Soomaaliya ay deeq-bixiyeyaasha u gudbisan doonto baahideeda ayna la gali doonto heshiis is afgarad ku aadan qaabka loo daboolayo baahida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay baahida ay Soomaaliya u qabto in taakulada caalamka. Waxaase uu sheegay inay lagama maar-maan tahay in nooca gar-gaar uu noqdo mid dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed lagala tashado si uu wax-tar u yeesho. Asagoo dhanka kalana xusay inay lamaga maar-maan tahay in deeq-bixiye yaashu mideeyaan hawlahooda iyo wax-qabadkooda ku aadan Soomaaliya.

“Shaki kuma jiro in aan u baahanahay in caalamku gacan naga siiyo sidaan uga soo kaban lahayn colaadaha dalka ragaadiyay, aana u hiigsan lahayn horumar, bulshadeenana u daryeeli lahayn. Sidaas daraadeed, waxaan doonaynaa inaan heshiis is afgarad la gaarno deeq-bixiyayaasha doonaya inay na garab istaagaa, si taageeradoodu u noqoto mid wax tar leh. Waa inaan isku afgarno meelaha noogu muhiimsan ee aan kaalmadooda uga baahanahay, qaabka aan ugu baahanahay iyo waqti ay macquul tahay in laga guul-gaaro hawshaas,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ugu dambayntii, aad ayaay u soo dhaweeyeen qorshaha dawladda dhamaan deeq-bixiyeyaashii ka soo qeyb-galan munaasabada maanta. Waxaana si rasmi ah loo gudo galay qeyntii kowaad ee fulinta qorshahan “New Deal” ee ku aadanayd daraasada xaalada dalka iyo colaadaha oo ay ka wada shaqaynayaa dhawladda Soomaaliya, ururada bulshada rayidka ah iyo wadamada deeq-bixiyeyaasha ah.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online