Shirweynihii Masaajida iyo Maraakista UK oo ka dhacay Masjidka Al-Risaalah.[Daawo masawirada]

May 29, 2013 - Written by Editor

1London:-Musa-sadda Al- Irshaad ayaa qaban qaabisay shir ay isugu yimaadeen culimo iyo ducaad Soomaaliyeed oo aad u tiro bada, kuwaas oo ka kala  yimid  magaalooyinka UK. Culumadaas iyo ducaadaas ayaa waxay mataleyeen in ka badan 20 Maasaajid iyo Maraakis Islaami ah oo Jaaliyada Soomaaliyeed ku leedahay wadanka Ingiriiska. Kulanka ayaa lagu qabtayd Masjidka Al- risalah ee ku yaal waqooyiga London, Maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 17/07/1434 – 27/05/13. Ajandaha shirka ayaa waxaa ugu waaweynaa:

  1. Wacyi galinta Jaaliyada iyo dar-dar galinta Dacwada.
  1. Xoojinta wada Shaqaynta iyo iskaashiga Masaajida iyo Maraakista Soomaalida.
  1. Midaynta Waqtiyada Salaada waqtiga Kulaylaha ama Summer-ka iyo Suxuurta Bisha Ramadaan ee barakaysan.

Soo dhawayntii ka dib ayaa shirka waxaa si rasmi ah u furay : Dr Cabdirisaaq Maxamuud Takar oo  ka hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen; muhiimada kulanka iyo baahida loo qabo in Masaajidada Soomaalida ee UK ay isku xirnaadaan oo ay iskaal may staan iyaga oo fulinaya Amar Allaah:

(وَتَعَاوَنُواْ عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلاَ تَعَاوَنُواْ عَلَى الإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ … الاية)

Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhamaystiran

Halgan.net
London

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,780 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>