War-murtiyeed ka soo baxay shirkii ay shalay yeesheen Madaxda IGAD.[Akhri War-saxaafeedka]

May 4, 2013 - Written by Editor

IGADAddis Ababa:-Madaxweynaha Dowllad Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa uu ka qayb galay shir ay Madaxda IGAD ay ku yeesheen  magaalada Addis Ababa, 03 May 2013 shirkaas oo looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya. Shirka ay yeesheen Madaxda IGAD ayaa waxaa ka soo qayb galay  Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya , Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya  Hailamaram Desalegn, Wasiirka arrimaha dibadda Sudan Ali Axmed .

Shirka ay yeesheen Madaxda IGAD ayaa  waxaa diirada lagu saaray arrimaha ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaan xasilinta iyo nabadgelyada Soomaaliya iyadoo la amaanay  qorshaha ay Dowllada Federaalka Soomaaliya ay u gudbisay IGAD ayna doonayso in ay ku xasiliyaan dalka Soomaaliya. Halkaan riix Communique of the 21st IGAD Extra-Ordinary Summit

Madaxda IGAD ayaa waxaa ay bogaadiyeen  dadaalka ay dowllada Federaalka ay bilihii danbe ay ku talaabsaday ayna ku doonayso in ay ku xasiliso dalka iyadoo la amaanay howsha muuqata ee dowllada Federaalka Soomaaliya ee la xiriirta qaabka maamul u samay nta gobollada , waxaa  la cambaareeyey dhibaatooyinka loo geysto dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo weliba qaswadayaasha.

Dhanka kale waxaa la bogaadiyey kulankii uu Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo dadaalka uu  Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya  Hailemariam uu ku fududeynta shirka IGAD.Sidoo kale waxaa la bogaadiyey lana soo dhaweeyey qoraalkii madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya ay u bixisaya qorshaha dejinta iyo xasilinta dalka Soomaaliya waxaa la adkeeyey baahida loo qabo howsha socota gaar ahaan dadaalada ku aadam  maamul u samanya gobollada  iyo xasilinta in ay saldhig adag u noqoto mabaadida soo socda.

1- Qorshaha socda waxaa ay dowlladu ku leedahay dowr hogaamineed.

2- In la ixtiraamo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

3-In qorshaha socda  dhamaan dadka Soomaaliyeed ay qayb ka ahaadaan.

4-In Dowrka IGAD uu noqdo  taageereeda Dowllada Soomaaliya.

5-In Ahmiyada  koowaad ee dowllada federaalka, AMISOM ,heer gobol iyo heer caalami ay noqoto la dagaalka ururka Al-shabaab.

Urur gobolleedka IGAD ayaa waxaa kale oo ay shirkooda ku go,aamiyeen in gudi xaqiiqo raadi ah loo diro magaalada Kismaayo gudigaas oo madax looga dhigay xoghayaha fulinta ururka Maxbuub Macalin , xubin ka tirsan dowllada Federaalka Soomaaliya iyo in dowlladaha ku bahoobay IGAD ay ku biiriyaan gudiga xaqiiqo raadinta ah xubno iyaga matala.

Gudiga Xaqiiqo raadinta ah ayaa markii uu Kismaayo tago waxaa uu warbixin ku soo celin doonaa Ururka IGAD isla bisha May dhamaadkeeda oo la filayo in uu dhaco kulan gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayna yeelan doonaa dalalka ku bahoobay IGAD.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2013
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online