Wasiiro ka tirsanaa DFS oo loo fasaxay in ay gudaha u galaan Kismaayo
May 29, 2013 - Written by EditorKismaayo:Wararka naga soo garaay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubad Hoose ayaa sheegaya in 3 wasiir oo ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo mudo dhan saddex cisho ah maanta loo fasaxay in ay gudaha u soo galaan magaalad Kismaayo. Wadahadalo mudo u socday Xildhibaano ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubballand ayaa lagu hishiiyey in Wasiiradda ka socda DFS loo ogolaado in ay gudaha u soo galaan magaalada Kismaayo iyadoo isla maanta la dejiyey Hotel Cascaseey.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda u saraysa DFS iyo maamulka Jubballand ay xalay wada hadleen ayna wada gaareen is afgarad walow aan ilaa hadda la aqoon wax ay isla gaareen ama ku hishiiyeen. Saddexda Wasiir ee ka socda DFS ayaa la filayaa in ay ilaa caawa sii joogaan magaalada Kismaayo iyadoo la filayo in ay si dhaqo ah ugu laaban doonaa magaalada Muqdisho .
Ilaa hadda ma jiro madax ka tirsan DFS ama maamulka Jubballand oo ka hadlay xiriirka is afgarad ee hadda dhexmaray labada dhinac.
A/cawaale
Halgan.net