Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo warmurtiyeed soo saaray[Akhriso]
May 24, 2013 - Written by EditorWarbixinta maanta ay si hordhac ah u soo saareen Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo shirka u yeeshay dalka Itoobiya ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed dhinacyo badan taabanaya balse aan wax badan kaga duwanayeyn shirarkii ay madaxda IGAD yeeshaan iyo shirarkii kale duwanaa eek a dhacay London.
War-murtiyeedka maanta soo baxay Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin dheer oo ay soo gudbiyeen gudiga xaqiiqo raadinta ah ee IGAD oo safar xog aruurin ah ku kala bixiyey magaalada Muqdisho iyo Kismaayo iyagoo kulmo gooni gooni la qaatay madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda loo doortay maamul gobolleedka Jubballand ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.
War-murtiyeedka ayaa waxaa ka muuqda in qolo walba la doonayo in si gooni loo qanciyo maadaam aan war-murtiyeedka si toos ah loo oran qolada khaldan. Sida ku qoran warqadda waxaad ka arkey saa in mar walba la leeyahay dawladdu waa in ay daadi hinta shirarka iyaddu hogaamisaa walow haddan la leeyahay dowlladu waa in aad ilaalisaa dastuurka ku meel gaarka ah.
Warbixintu waxey kale oo xuseysaa in dhamaan Soomalida is heysata ay codsanayaan in IGAD ay mar walba door ku lahaato geedi socodka dhimaha dowlad goboleedyada federaalka ah. Haddaba IGAD waxay soo diyaarisay warbixin dheer oo ay kaga hadleyso kulamaddii ay la soo gashay Soomaalida iyo wixii ay IGAD u aragtey talo soo jeedin ku socota Soomalida. Waxaana warbixinta ka muuqatay la dagaalanka Al Shabaab in ay tahay arin muhiim ah. Waxaanu is leenahay qodobadda ugu muhiimsan oo ay IGAD dooneysay in ay gudbiyaan uu yahay qodobka lixaad, wuxuuna qodob kaas oranayaa:
Waxaa la soo dhaweynayaa qorshaha dejinta wadanka ee dowladda federaalka Soomaaliya wado, haddana waxaa loo baahan yahay in howlaha socda ee maamul u sameynta gobolladda iyo dejinta wadanka waa in ay ku dhis naadaan mabaadiida soo socota,
- In ay dowladda federaalka ah yeelato hogaaminta arimaha socda;
- In la xushmeeyo dastuurka ku meelgaarka federaalka Soomaaliya
- In wada tashiyadu ahaadan mid ay dhamaan bulshada somaaliyeed qeyb ka yihiin
- In doorka IGAD ee taagerida in uu ahaado mid ku dhisan dalabyada ka imanaya dowlada
- In la dagaalanka Al Shabaab uu yahay muhiimadda koowaad ee dowlada federaalka; AMISOM; wadamada deriska iyo saaxiibadda caalamka.
Waxaa laga dalbayaa dowladda federaalka Soomaaliya in ay raacdo nuqulka warbixinta iyo shantaan qodob eek u lifaaqan korna ku qoran.
Ugu danbayntii waxaa muuqata in shirarka loo qabanyo hogaamiyaasha ama siyaasiyeenta soomaalida ay u xuub siibteen kuwo la doonayo in waqtiga looga lumiyo ama la qanciyo dowllada dariksa la ah ama la abuuro colaad hor leh oo sababi karta dagaalo iyo jahwareer siyaasadeed.
Halkaan ka akhri war-murtiyeedkii ka soo baxay Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD
Halgan.net