Ambassador Maxamed Saalix Al-Nadiif oo kulan la qaatay Ahmed Madoobe

October 20, 2013 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ee  AU u qaabilsanarimaha  Somalia Ambassador Maxamed Saalix Al-nadiif  ayaa shalay kulan kula qaatay magaalada Kismaayo Madaxweynaha KMG ee Maamulka Jubba Sh Ahmed Madoobe.

Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Kismaayo waxaana ay labada dhinac uga hadleen amaanka magaalada Kismaayo.howlgalada ciidanka AMISOM .iyo Heshiiskii Adis Ababa ku dhexmaray DFS iyo Madaxweynaha Maamulka Juba.

 

Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Ahmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) ayaa u mahadceliyey wafdiga uu horkacyey Ergayga gaarka ee  AU u qaabilsanarimaha  Somalia Ambassador Maxamed Saalix Al-Nadiif wuxuuna sheegay in dhinacooda ay fuliyeen qodobadii ka soo baxay Shirkii AdisAbaba ayna ka go,antahay in ay nabada ka jirta deegaanada laga saaray Al-Shabaab ay sii xoojiyaan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ergayga gaarka ee  AU u qaabilsanarimaha  Somalia Ambassador Maxamed Saalix Al-Nadiif ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Kismaayo la xoojin doono howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online