Madaxweynaha Puntlland iyo Nicholas Kay oo ku kulmay Garoowe.[Cod/Masawiro]

October 20, 2013 - Written by Editor

1Garoowe:-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaliya Ambassador Nicholas Kay iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, Ergayga  gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya ayaa markii uu soo gaaray Garoowe waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Puntlland  Xildhibaano, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntlland.

Ergayga  gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay  iyo wafdiga la socday ayaa waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyadda ee Puntlland  waxaan uu kulan kula leeyahay  Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole  iyo ku xigeenkiisa.

Nicholas Kay  iyo Madaxweynaha Puntlland ayaa kulankooda waxaa ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan dhinaca amniga, doorashooyinka  Madaxweynanimada ee Puntland ,Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xiriirka xumaaday ee u dhexeeya Puntlland iyo  Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Markii kulankii Madaxweynaha Puntland  Dr. C/raxmaan Faroole iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaliya Ambassador Nicholas Kay ayaa waxaa ay la hadleen saxaafad waxaan hadalka ku horeeyey Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole isagoo aad ugu dheeraaday doorashooyinka ka dhici doono Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe looguna tartamayo Madax weynanimada 4 sano ee soo socota ee talada Puntlland hogaamin doonta.

no images were found

Madaxweynaha Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in qof walba uu ka qayb geli karo doorashada madaxweynanimada ee Puntlland balse laga doonayo in qofkaas uu yahay qof aqoon u leh dhinac maamulka xaqna dhowraya Dastuurka u degsan Puntlland.

Madaxweynaha Puntlland Dr.C/raxmaan Maxamuud Faroole ayaa sheegay in dowladiisu ay sugi doonto cid walba oo doonaysa in ay ka qayb qaadato doorashad madaxweynanimada Puntlland isagoo ku nuuxnuuxsaday in haddii uu ku guulaysto doorashada uu sii wadi doono barmaamijkii Axsaabta badan.

Madaxweynaha Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole  ayaa sheegay  in odayaasha dhaqanka Puntlland ay soo xuli doonaa Xildhibaanada kalsoonina lagu qabo in doorashadu ay u dhacdo si amaan ah cid walba oo amaanka wax u dhimayana ay dowladdu ka hor tegayso bulshada ku dhaqan Puntlland ay dhaqan u leeyihiin in wixii dhib ah ama khilaaf ah ay dhexdooda
ka xalistaan.

Dhinac kale waxaa saxaafada la hadlay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaliya Ambassador Nicholas Kay isagoo sheegay in uu ku farxsan yahay imaanshaha Puntlland oo ah markii labaad waxaan uu xusay in kulankiii uu la qaatay Madaxweynaha Puntlland uu noqday mid miro dhal ah. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya Ambassador Nicholas Kay  ayaa yiri ” markii aan u imaado Dr.Faroole waxaan ka bartaa  waxyaabo badan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo Puntland isagoo intaas raacshay in Qaramada Midoobay ay ka taageeri doonto Puntlland doorashooyinka soo socda.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya Ambassador Nicholas Kay  oo la hadlay musharixiinta aya waxaa uu yiri ” Waxaa laga rabaa musharaxiintu in ay ilaaliyaan dastuurka u yaal Puntlland si wax amaan daro ah aysan u dhicin iyo in xoriyada la siiyo saxaafada oo aan la caburin musharax kastana uu ka hadlo.”

Booqashada maanta uu ku yimid Puntlland Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaliya Ambassador Nicholas Kay ayaa waxaa ay noqonaysaa booqashadii labaad oo uu ku yimaado Puntland ilaa intii xilka loo doortay.

Hoos ka Dhagayso Shirkii Jaraa’id ee Madaxweynaha Puntlland Ambassador Nicholas Kay ay ku qabteen Garoowe

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/gihm7o012a/faroole.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online