Bangiga Barclays oo joojiyey la shaqeynta Xawaaladaha Soomaalida.
October 1, 2013 - Written by EditorLondon:-Bangiga Barclays, oo xawaaladaha Soomaalida u qabtay ugu dambeyn 30 ka bishii 9aad ee xalay dhammaatay, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in laga bilaabo maanta uu Bangigu joojiyey la shaqeyntii Xawaaladaha Soomaalida.
Barclays, ayaa ku dooday in la shaqeynta xawaaladaha Soomaalida, ay uga imaan karto culeys xagga dowladaha ah, iyadoona ay dhici karto lacagaha la kala xawilayo iney ku dhacaan meelo ay mamnuuc tahay iney gaaraan.
Dalad ay leeyihiin Xawaaladaha Soomaalida iyo Jaaliyadda Soomaalida, ee UK ayaa in dhawaaleba dadaal ugu jiray sidii ay ay arrintaas uga hortagi lahaayeen, iyadoona dhowr jeer dib loo dhigay fulinta go’aanka Bangiga Barclays.
Xawaaladaha ayaa waxaa ku tiirsan dad badan oo Soomaali ah dibad iyo gudaba, iyadoo qoysas badan oo Soomaali ah oo gudaha dalka ku dhaqan ay bil walba biilasha ka qaataan xawaaladaha, taasoo ay u soo diraan eheladooda dibadaha ku maqan.
Arinatan ayaa waxa ay cirka isku shareertay ka dib markii goor sii horreysay Maxkamad ku taalla Mareykanka, ay xukuntay laba gabdhood oo loo haystay inay lacago u direen xarakada Al-Shabaab.
Somalireal/Halgan.net