Bangiga Barclays oo joojiyey la shaqeynta Xawaaladaha Soomaalida.

October 1, 2013 - Written by Editor

pg-8-barclays-gettyLondon:-Bangiga Barclays, oo xawaaladaha Soomaalida u qabtay ugu dambeyn 30 ka bishii 9aad ee xalay dhammaatay, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in laga bilaabo maanta uu Bangigu joojiyey la shaqeyntii Xawaaladaha Soomaalida.

Barclays, ayaa ku dooday in la shaqeynta xawaaladaha Soomaalida, ay uga imaan karto culeys xagga dowladaha ah, iyadoona ay dhici karto lacagaha la kala xawilayo iney ku dhacaan meelo ay mamnuuc tahay iney gaaraan.

Dalad ay leeyihiin Xawaaladaha Soomaalida iyo Jaaliyadda Soomaalida, ee UK ayaa  in dhawaaleba dadaal ugu jiray sidii ay ay arrintaas uga hortagi lahaayeen, iyadoona dhowr jeer dib loo dhigay fulinta go’aanka Bangiga Barclays.

Xawaaladaha ayaa waxaa ku tiirsan dad badan oo Soomaali ah dibad iyo gudaba, iyadoo qoysas badan oo Soomaali ah oo gudaha dalka ku dhaqan ay bil walba biilasha ka qaataan xawaaladaha, taasoo ay u soo diraan eheladooda dibadaha ku maqan.

Arinatan ayaa waxa ay cirka isku shareertay ka dib markii goor sii horreysay Maxkamad ku taalla Mareykanka,  ay xukuntay laba gabdhood oo loo haystay inay lacago u direen xarakada Al-Shabaab.

Somalireal/Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online