Ciidanka Badda Puntland oo u dabaaldegay sanad guuradii 3aad markii la asaasay(Daawo)
October 5, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Munaasabad balaaran oo lagu maamuusay sanad guuradii 3aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidamada badda ee dowlada Puntland ayaa waxaa maanta lagu qabtay xero wayn oo ciidanka Badda Puntland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Boosaaso. Ciidamada Badda Puntland ayaa waxaa ay goobka ku soo bandhigeen dhoolatus iyo hub casri ah oo kala duwan oo ay ku hubeysan yihiin ciidanka Badda Puntland waxaa kale oo ay soo bandhigeen waxqabadkoodii iyo howgalada ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Puntland.
Taliyaha ciidamada badda Puntland Gen Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka badda Puntland loo sameeyey in ay la dagaalamaan kana hortagaan burcad badeedda iyo kalluumaysiga sharci darrada ah wuxuuna bogaadin iyo hambalyo u diray ciidanka Badda Puntland.
Ciidanka Badda Puntland ayaa waxaa la aasaasay 2010kii ka dib markii ay ku bateen deegaanada Puntland tahriibka sharci darada ah iyo Burcad badeeda waxaana ay ciidanka ku guuleysteen in suuliyaan burcad badeedii uuna yaraado tahriibkii sharci darada ahaa oo ay Soomaali badan ku dhimatay.
Hoos ka daawo dabaaldega ciidamada Badda Puntland