Ciidanka Badda Puntland oo u dabaaldegay sanad guuradii 3aad markii la asaasay(Daawo)

October 5, 2013 - Written by Editor

Ciidanka-baddaBoosaaso:-Munaasabad balaaran oo lagu maamuusay sanad guuradii 3aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidamada badda ee dowlada Puntland ayaa waxaa maanta lagu qabtay  xero wayn oo ciidanka Badda Puntland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Boosaaso. Ciidamada Badda Puntland ayaa waxaa ay goobka ku soo bandhigeen dhoolatus iyo hub casri ah oo kala duwan oo ay ku hubeysan yihiin ciidanka Badda Puntland waxaa kale oo ay soo bandhigeen waxqabadkoodii iyo howgalada ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Puntland.

Taliyaha ciidamada badda Puntland Gen Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka badda Puntland loo sameeyey in ay la dagaalamaan kana hortagaan burcad badeedda iyo kalluumaysiga sharci darrada ah wuxuuna bogaadin iyo hambalyo u diray ciidanka Badda Puntland.

Ciidanka Badda Puntland ayaa waxaa la aasaasay 2010kii ka dib  markii ay ku bateen deegaanada Puntland tahriibka sharci darada ah iyo Burcad badeeda waxaana ay ciidanka ku guuleysteen in suuliyaan burcad badeedii uuna yaraado tahriibkii sharci darada ahaa oo ay Soomaali badan ku dhimatay.

Hoos ka daawo dabaaldega ciidamada Badda Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online