Ciidanka Booliska Boosaso oo qabtay dablaydii dhaca ka geystay Suuqa Dahabka Boosaaso.[Masawiro]

October 22, 2013 - Written by Editor

3Boosaaso:-Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa saaka waxaa ay ku soo bandhigeen Saldhiga Bartamaha ee Boosaaso labo dhalinyaro ah oo fal burcadnimo shalay ka geystay Suuqa Dahabka ee Boosaaso.Dhalinyaradaan burcadka ah ayaa shalay dhaawac u geystay labo haween ah oo  ka mid ahaa ganacsatada suuqa Dahabka walow markii danbe mid ka mid ah ay u geeriyootay dhaawicii soo gaaray.

Saldhiga Bartamaha ee magaalada Boosaaso ayaa saaka waxaa saxaafada kula hadlay Duqa degmada Boosaaso Xassan Cabdalla isagoo u mahad celiyey ciidanka Booliska ee Boosaaso sidda howl karnimada ah oo ay gacanta ugu soo bandhigeen burcadii falka xun ka geystay Suuqa Dahabka ah ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska gobolka Bari  Axmed Muuse Yuusf (Jaqanaf) oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dhalinyarada geystay  falka burcadnimada lagu soo qabtay saaka  guri ku yaal xaafadda News Boosaas waxaan uu taliyuhu sheegay in la qabtay inta badan Dahabkii ay dhaceen burcadu. Ciidanka Booliska Boosaaso ayaa shalay markii ay dhacdadaan dhacday waxaa ay howl galo ka bilaabeen magaalada Boosaaso waxaan ay ku guulaysteen in ay soo qabteen raggii geystay falkaan burcadnimada ah oo ah fal ku cusub magaalada Boosaaso.

no images were found

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa  ay ka mid tahay magaalooyinka ay joogaan ciidamo fara badan oo iskugu jira ciidamo Boolis, daraawiish , nabadsugida, iyo ciidanka Badda oo iyagu saldhiga weyn ku leh duleedka magaalada Boosaso, ciidamadaan ayaa iyagu ah kuwo suga amaanka iyo nabadgelyada waxaan ay habeen walba ay sameeyaan roon dooyin ay ku baarayaan baabuurta iyo dadka soo galaya ama ka baxaya magaalada Boosaaso.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online