Ciidanka Dowlada Fereaalka oo xiray Idaacadii Shabelle ee Magaalada Muqdisho
October 26, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xoog gudaha ugu galay guriga Idaacada Shabeelle ka dib markii amar uu ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ee DFS.
Idaacada Shabelle ayaa waxaa ay deganeyd guri ku yaal nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo la sheegay in uu ahaa guri ay lahayd Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 26-shaqaale oo isigu jira rag iyo dumar ay ciidamada DFS ay ku kaxeeyeen gaariga shabaqlaha ah, waxaana la geeyey dhismaha Xarunta dambi baarista ee CID.
Maamulka Idaacada Shabelle ayaa ku dooday in sanadkii hore ay heshiis kala saxiixdeen Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka ayna wili wakhti uga dhiman tahay mudadii lagu heshiiyey.
Ciidamada dowladda oo boqolaal gaaraya ayaa haatan ku sugan banaanka Xarunta iyo gudaha,Idaacada Shabelle iyaga oo si buuxda ula wareegay agabkii iyo qalabkii Idaacada,
A/Cawale
Halgan.net