Ciidanka Dowlada Fereaalka oo xiray Idaacadii Shabelle ee Magaalada Muqdisho

October 26, 2013 - Written by Editor

shabelleMuqdisho:-Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xoog gudaha ugu galay guriga  Idaacada Shabeelle ka dib markii amar uu ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ee DFS.

Idaacada Shabelle ayaa waxaa ay deganeyd guri ku yaal nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde  ee magaalada Muqdisho oo la sheegay in uu ahaa guri ay lahayd Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 26-shaqaale oo isigu jira rag iyo dumar ay ciidamada DFS  ay ku  kaxeeyeen gaariga shabaqlaha ah, waxaana la geeyey  dhismaha Xarunta dambi baarista ee CID.

Maamulka Idaacada Shabelle ayaa ku dooday in sanadkii hore ay heshiis kala saxiixdeen Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka ayna wili wakhti uga dhiman tahay mudadii lagu heshiiyey.

Ciidamada dowladda oo boqolaal gaaraya ayaa haatan ku sugan banaanka Xarunta iyo gudaha,Idaacada Shabelle iyaga oo si buuxda ula wareegay agabkii iyo qalabkii Idaacada,

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online