Dagaal xalay degmada Mahadaay ku dhex maray Ciidamada DFS iyo Al-Shabaab

October 2, 2013 - Written by Editor

ciidan_DFMahadaay:-Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegaya in xalay iska horimaad uu ku dhexmaray duleedka Degmada Mahadaay ciidamada DFS oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab dagaalka ayaa bilowday ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaday fariisumo ay ku sugnaayeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM .

Dagaalka xalay ayaa waxaa ay goobjoogayaal ku sugan Degmada Mahadaay ay warbaahinta u sheegeen in labada dhinac uu gaaray khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana hoobiyaal ay ku soo dhaceen xaafadao ka tirsan Degmada Mahadaay.

Gudoomiyaha degmada Mahadaay Shariif Abuukar Cabdulle oo saaka la hadlay warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho wuxuuna ku faanay in ciidanka DFS ay jab u geysteen Al-Shabaab wuxuuna sheegay in hal ruux oo ka tirsan Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.
Dagaalka xalay ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere waaana dagaalkii ugu horeeyey oo ay Al-Shabaab ku qaadaan Degmada Mahadaay ilaa iyo intiii Al-Shabaab laga saaray Degmada Mahadaay.

Ilaa haatan ma jirto Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka xalay ka dhacay Degmada Mahadaay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online