Dufcaddii 13-aad oo ka qalin jabisay jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Bosaso[Masawiro]

October 31, 2013 - Written by Editor

qalanjabinBoosaaso:-Waxaa maanta jaamacadda Bariga Afrika xaflad qalin jabin loogu qabtay dufcadii 13-aad ee qalinjabisay jaamacadda Bariga Afrika , ardaydaas oo isugu jiray gabdho iyo wiilal  Ardayda maanta xaflada qalin jabinta loo qabanayay ayaa ka qalin jabiyay kulyadaha kala ah: shareecada,maamulka iyo maareenta, computer saynis iyo kuliyada waxbarashada, wadarta guud ee ardaydaas ayaa ahayd 596 arday.

Jaamacadda Bariga Afrika oo ah jaamacadii ugu horaysay oo laga hirgaliyo deegaanada puntland, ayaa laga hergaliyay magaalada Bosaso sanadkii 1999,iyadoo hada ka koban 11 kulyadood, sidoo kale waxay ku leedahay deegaanada Puntland lix farac.

Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaaasimay ayaaa ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda,taas oo shahaadooyin lagu gudoon siinayay ardayda qalin jabisay,waxaana ka soo qeyb galay maamulka jaamacadda qeybaheeda kale duwan,madax ka socotay shirkadda Golis nabadoono.

issimo,beeldajaayaal,xubno ka socday golaha wasiirada Puntland,madax ka socotay gudoonka waxbarashada gobalka Bari,madax socotay jaamacadaha Puntland,dhalinyaro,haween,ururada bulshada,bahda saxaafadda iyo marti sharaf kale.

Waxa ugu horeyn ka hadlay xafladda gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Bariga Afrika Sh.Maxamad Macallin oo sheegay in ardayda maanta qalin jabisay ay dadaal dheer iyo waqti ku bixiyeen heerkan ay maanta taagan yihiin, loona baahan yahay ardayda kale ee jaamacadda dhigta in ay ku daydaan.Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay gudoomiyaha jaamacadda Bariga afrika Dr C/risaaq Hiirad Maxamad oo isna sheegay in jaamacadda Bariga Afrika ay tahay jaamacad mar walbo u taagan in ay bulshada ka haqab tirto baahiyaha dhanka waxbarashada.

no images were found


Aadan Sh. Doon Cali oo ah madaxa Golis iyo madaxa board-ka jaamacadda ayaa sidoo kale xafladda ka hadlay ,waxa uuna sheegay in jaamacadda ay soo martay marxado kale duwan,isagoona u hamblyeeyay ardayda manta qalin jabinaysa.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Gudooomiyaha jimciyada khayriga ah ee Manhal, ahna xubin ka mid ah aasaasayaasha jaamacada Bariga afrika Shiikh C/waaxid Xaashi , isagoo kula dardaarmay Ardayda qalin jabinaysa iyo kuwa dhigta jaamacada inay ka dhabeeyaan hadafka loo aasaasay jaamacada oo ah inay soo saarto kaadir oqoon yahan ah , oo xambaarsan shareecada islaamka .

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay dad fara badan oo ay ka mid ahaayeen issimo,ganacsato,xubno ka socday golaha wasiirada Puntland , madax ka socotay gudoonka waxbarashada gobalka Bari iyo madax ka socotay jaamacadaha Puntland.

Intii ay socotay xafladda ayaa waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay ardaydii ugu sareysay kuwa qalinnjabinayay , waxaa sidoo kale abaarmarino la gudoonsiiyay qaar ka mid ah ardayda jaamacadda oo hagaajiyay hoolka ay ka socotay munaasabada.

Musasat Al-Minhaaj
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online