Golaha Wasiirada DFS oo diirada lagu saaray adeegga Asaasiga ah ee caafiamaadka dalka

October 17, 2013 - Written by Editor

IMG_0654Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya yaa maanta yeeshay kulankoodii joog tada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan diirada lagu saaray qorshaha adeega Caafimaadka ee Aasaasiga ah, heshiis Millateri oo ay kala saxiixdeen dawladdaha Soomaaliya iyo  Talyaaniga iyo warbixin laga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Kulankan ayaa ugu horeyntii waxaa warbixin looga dhegeystay Wasaaraddaha Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna si gaar ah uga warameen sugida amniga ee magaalada Muqdisho Maalmaha Ciida, taasoo hay’addaha amnigu ay si weyn ula tacaaleen isla markaana ay ka hortageen falal ay maleegayeen kooxaha nabadiidka ah taasoo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ammaanka shacabka.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa si gaar ah uga warantay howlgal ay ciidanka amniga ka sameeyeen qeybo ka mid ah Muqisho oo ay ku soo qababteen kooxo abaabul ugu jiray inay khal khal geliyaan amniga Masaajidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka, halkaasoo ay maalintii ciida ku tukadeen madaxda Qaranka iyo kumanaan shacab ah, waxaana kooxahaasi la dhigay xabsiga.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa waxaa warbixin u soo bandhigtay Wasiirka Adeegga Bulshada Drs. Maryam Khaasim Axmad, waxayna u soo bandhigtay shax ku saabsan qaab dhismeedka adeegga Caafimaadka ee Aasaasiga dalka, kaasoo ay ku bixin doonto Wasaaradda Adeegga qebteeda caafimaadka adeegyada lagama maarnmaanka u ah nolosha Bani’aadamka, waxaana qorshahani laga fulin doonaa 9 gobol oo wajiga hore ah, waxaana ka faa’iideysan doona kumanaan kun oo ruux.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa maanta meel mariyay heshiis ay dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaanigu kala saxiixdeen taariikhdu markay aheyd 17-kii September, kaasoo ku saabsanaa horumarinta dhanka Ciidamada, waxaana heshiiskan dhanka Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhigga Mudane Maxamuud Xaaji Faqi, waxaana heshiiskani uu dhigayaa tayeynta, qalabeynta iyo iskaashiga dhanka amniga iyo weliba cilmi baarista arrimaha Millateriga.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online